|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3297 |
May 23 2013 Rajab 13,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Faransiiska Oo Sheegay In Shirkadahoodu Dano Dhaqaale Ka Leeyihiin S/land, Qaabilaad Macquul Ahna U Samayn Doonaan Madaxweyne Siilaanyo Mar Kasta Oo Uu Go’aansado Socdaal Uu Ku Yimaado Paris Hargeysa, May 23, 2013 (Haatuf) - Safiirka Faransiiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo fadhigiisu yahay dalka Kenya Ambassador Etiennce De Poncins oo shalay Socdaal ku yimid Somaliland ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaas oo sheegay in dalkiisu uu meeqaam sare ku soo dhaweyn doono mar kasta oo Madaxweyne Siilaanyo Ajandihiisa ku darsado socdaal uu ku tago Paris. Waxaanu intaasi ku daray inay jiraan Dane Dhaqaale oo Shirkadaha Faransiisku ay ka leeyihiin Somaliland, isla markaana uu kala hadlay qorshahaasi. Ambassador Etiennce De Poncins ayaa sidaasi ku sheegay Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Madaxtooyada Somaliland kadib Kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu tilmaamay in socdaalkan uu ku yimid Somaliland uu yahay kii ugu horeeyey ee uu mudo 25 sano ah ka dib uu ku yimaado Safiir Faransiis ah oo qaabilsan Somaliland iyo Somalia, waxaanu sheegay inuu doonayey inuu Hargeysa yimaado si uu ula kulmo Madaxweyne Siilaanyo oo uu u muujiyo sida Faransiisku ugu faraxsan yahay wax ay qabsatay Somaliland ee tixgalinta Mudan oo ay ka mid yihiin Amaanka, Horumarka iyo isku xukunka Sharcigu. Ambassador Etiennce De Poncins, waxa kale oo uu sheegay inuu halkan u yimid sidii ay Madaxweynaha iyo Wasiirka Khaarajiga ay isku waydaarsan lahaayeen habka ay u wada shaqaynayaan Faransiiska iyo Somaliland, oo uu ku wargaliyey Madaxweyne Siilaanyo in lagu soo dhaweyn doono mar kasta oo uu Ajandihiisa ku darsado inuu socdaal ku yimaado Caasimada Faransiiska ee Paris oo uu heli doono meeqaam macquul ah. Waxa kale oo uu sheegay inuu halkan u yimid si uu hoosta uga xariiqo in Faransiisku uu uu caawiyo Somaliland, isagoo soo marinaya taageerada Midawga Yurub, oo ay ugu deegaan mucaawinooyin tiro badan oo uu siiyo Somaliland oo ay ka mid tahay dhinacyada Horumarinta iyo Amaanka, iyadoo mucaawinooyinkaasi ay ka yimaadaan dawlada Faransiiska iyo Cashuuraha ay dadka Faransiisku bixiyaan. Waxaanu cadeeyey Safiirku inuu doonayey in Madaxweynaha Somaliland uu u cadeeyo xidhiidh dhexmara Somaliland iyo Faransiiska iyadoo ay jiraan Dalabyo oo faransiisku uu ku doonayo inuu Somaliland Baro Dhaqanka iyo Luuqada dalkaasi. Ugu dambayntiina Sariifka Faransiiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanahay inuu halkan Hargeysa joogo, oo uu maalmo ka dib maalintii qaranimada Somaliland u hambalyeeyey Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Dibada. Sida uu Safiirku hadalka u dhigay. Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Kulankaasi ka dib shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa tafaasiil ka bixiyay qodobadii ay madaxweynaha iyo danjiraha faransiisku ka wada hadleen, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta waxa Booqasho ku yimid dalka Safiirka Faransiiska ee fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya masuulna uga ah Somaliland iyo Soomaaliya, waana markii u horeysay ee uu booqasho ku yimaado dalka, waana Safiir ku cusub shaqada. Waxa uu la kulmay Madaxweynaha Somaliland waxaanay ka wada hadleen guud ahaan xidhiidhka Faransiiska iyo Somaliland ka dhaxeeya.” “Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay barnaamijyada mashaariicda iyo muwaacimada uu Faransiisku ku taageero Somaliland. Waxa kale oo aanu ka wada hadlanay barnaamijyo mustaqbalka aanu rajaynayno inay labada dal ka wada shaqeeyaan oo aan filayo inuu waxtar u yeesho Somaliland,” Safiirka Faransiiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo fadhigiisu yahay dalka Kenya Etiennce De Poncins, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Somaliland iyo Faransiiska. Waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne Siilaanyo kulan balaadhan la yeeshay iskana xog waraysteen sidii cilaaqaadka labada dal loo sii xoojin lahaa. Danjiraha Faransiisku waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyay Nabad-gelyadda, dawladnimada shaqaynaysa ee ka tisqaaday Somaliland. |