Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3297

May 23 2013                                                                                 Rajab  13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Shirgudoonada Baarlamaanka Oo La Sheegay Inay Kulan Ka Yeelan Doonaan Marti-qaadka EU-du Ugu Soo Jeediyay Ka Qaybgalka Shirka Somalia Ee Belgium

Hargeysa, May 23, 2013 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la sheegay inuu maanta qasriga madaxtooyada kulan gaar ah kula yeelan doono shirgudoonada labada gole ee Baarlamaanka wakiilada iyo guurtida. Sida ay Wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola madaxtooyada iyo golayaasha xeer dajinta ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo kulanka uu maanta la yeelan doono gudoomiyayaasha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ugu soo bandhigi doono marti qaadka midowga Yurub ugu soo jeediyay Somaliland inay ka soo qaybgasho shirka dhaqaalaha loogu ururinayo Soomaaliya ee midowga Yurub ku qabanayo bisha September 2013-ka xarunta midowga Yurub ee dalka Belgium iyo go’aanka ay Somaliland ka qaadan doonto. Waxa kale oo wararku intaasi ku darayaan in kulanka madaxweynaha iyo shirgudoonada labada aqal layskula meel dhigi doono go’aanka laga qaadan doono ka qaybgalka shirka midowga Yurub dhaqaalaha ugu raadinayo Soomaaliya, isagoo wasiirka arrimaha dibada Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar uu doraad sheegay in Somaliland wada tashi ka yeelan doonto dalabka marti qaadka ee midowga Yurub ugu soo jeediyay Somaliland ka qaybgalka shirkaasi, taasoo marti qaadkaasi uu u soo gudbiyay madaxweynaha safiirka midowga Yurub ee Somaliland iyo Somalia ee doraad booqashada ku yimid Hargeysa, kaas oo kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.