Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3297

May 23 2013                                                                                 Rajab  13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xukuumada Iyo Dalada Suxufiyiinta S/land Oo Saxeexay Xeerka Anshaha Saxaafada

“Bani’aadamku Wuu Lumaan Hadii Aanu Samaysan Xeer Anshax” Wasiir Cukuse

Hargeysa, May 23, 2013 (Haatuf) – Xukuumada iyo dalada Suxufiyiinta Somaliland ee (USJ) ayaa si wada jir ah u saxeexay Xeerka Anshaxa Saxaafada Somaliland (Media Code of Conduct).

Xeerkan Anshaxa Saxaafada ayaa noqon doona mid ay warbaahintu ku dhaqanto gudaheeda, igadoo kaabid iyo wax ka badal ay ku sameeyeen Suxufiyiin dalku xeerkii  hore ee anshaxa saxaafada ee doorashooyinkii deegaanka ee 2012-kii oo ku koobnaa doorashadaasi, balse hada noqon doona mid guud oo xili walba ah saxaafadu ku dhaqanto gudaheeda. Xeerkan anshaxa Doorashada ayaa waxa saxeexay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Gudoomiyaha Dalada Suxufiyiinta Somaliland ee (USJ), Khadar Maxamed Cakule. Kulankan lagu saxeexay Xeerka Anshaxa Saxaafada oo mudo sadex cisho ah ka socday Ambassador Hotel oo shalay soo gabogaboobay ayaa waxa ku lamaanaa aqoon korodhsi ay Wariyeyaashi ka qaybgalay kaga faa’diidaysteen Suxufi khabiir Ingiriis ah oo mudo 30 sano ku soo jiray Saxaafada, kana soo shaqeeyey Wadabo badan oo caalamka ka tirsan gaar ahaana Africa oo hadda ay xaruntiisu tahay Dalka Kenya. Aqoon is weydaarsigaasi ayaa waxa soo qabanqaabisay Akadamiyada Nabada iyo Horumarka Somaliland, waxaana gabagabadii Aqoon is waydaarsigaasi ee shalay lagu saxeexay Xeerka Anshaxa Saxaafada. Waxaana ka mid ahaa Xubnihii halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse oo sheegay in Bani’aadamku uu lumo hadii aanu samaysan Xeer Anshax, Xeerkana Anshaxana ay saxaafadu samaysatay inay ku dhaqanto oo dawlad ahaan ay dhinacooda ka fulinayaan, saxaafadana looga baahan yahay in xeerkaasi Anshaxa ee ay samaysatay ay dabaqdo. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Dalada Suxufiyiinta Somaliland (USJ) Khadar Maxamed Cakule oo sheegay in xeerkan Anshaxu uu muhiim yahay maadaama oo loo baahan yahay in la dhiiri galiyo dhalinyarada Suxufiyiinta ah oo la soo dhaweeyo, una baahan tahay in aqoonta loo kobciyo. Mr Cakule waxa kale oo uu intaa ku daray in dadka saxaafada ka shaqeeyaa ay noqdaan kuwo Sumcad, Magac iyo qadarin bulshadooda dhexdooda ku yeesha, balse aan noqon kuwo Magac xun bulshada ka kasbada Ilaahay kama dhigee. Waxa Kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Akadamiyada Nabada iyo Horumarka Xasan Cumar Halas, kaas oo sheegay inuu aaminsan yahay in tababarkani uu kobciyey Aqoonta iyo Anshaxa Suxufiyiinta looga haaban yahay. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Maxamed Faarax oo ah Sharci yaqaan dhalinyaro ah oo ka tirsan Akadamiyada Nabada iyo Horumarka, kaas oo sheegay in mudadii saddexda cisho hayd ee ay soo wadeen aqoon korodhsigan iyo xeerkan anshaxa saxaafada ay tahay Nabada dalka oo wax la taray, isla markaana aanay ahayn markii u horaysay ee ay Tababaraan Suxufiyiinta Somaliland Akadamiyad ahaan ay qabtaan, balse ay jireen in dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay ay Tababaro dalka gudihiisa iyo wadamada jaarka ahba ay ku siinayeen Suxufiyiinta Somaliland. Ugu dambayn waxa isaguna halkaasi hadal kooban ka sheegay Macalinkii Tababarka bixinayey Mr Andy Hill oo u dhashay dalka UK, xaruntiisuna tahay Nairobi mudo dheerna ku soo jiray saxaafada, kaas oo sheegay in Suxufiga wanaagsan lagu garto hadal gaabni muhiimada oo kaliya ka hadla, waxaanu tilmaamay in labadii sano ee u dambeeyey uu Somaliland ka hawlgalayey oo uu suxufiyiinta Somaliland kala shaqaynayey arimo muhiim ah. Waxaanu intaa ku daray in Saxaafada xorta ahi ay kaalin ka gaysato mujtamac xor ah oo ay waxyaabo badan ka faa’iidaysan karaan saxaafada xorta ah. Gabagabadiina waxa uu Mr Andy mahadnaq iyo hambalyo u jeediyey Suxufiyiintii iyo dhinacyadii ka qaybgalay Aqoon korodhsiga saddexda cisho ahaa.