|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3297 |
May 23 2013 Rajab 13,1434H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Dadka Xanuunka Dhimirka Qaba Oo Ku Soo Badanaya Caasimada, Duruufaha Naxdinta Leh Ee Ku Gadaaman Iyo Qorshe La’aanta Xukuumada Hargeysa, May 23, 2013 (Haatuf) – Dadka xanuunka dhimirka qaba oo iskugu jira Rag iyo Haween oo bilihii u dambeeyay ku soo batay caasimada dalka ee Hargeysa ayaa cabsi badan ku haya dadka ka adeeganaya faras magaalaha iyo suuqyada xaafadaha kala duwan ee Hargeysa, kuwaas oo walaac badan ku haya gaar ahaan dumarka iyo caruurta. Muddoyinkii u dambeeyay ayaa magaalada Hargeysa waxa ku soo kordhayay kooxo rag ah oo xaga maskaxda ka xanuunsanaya oo sita birro iyo budhadh oo saqaafaya suuqyada, halka ay jiraan kuwo lugaha ku jiidanaya silsilado oo magaalada habeen iyo maalin wareega, taas oo mararka qaarkood la arko haween cararaya oo ay erayanayaan. Dadka dhimirka qaba ee ku soo badnaya magaalada ayaa keeni kara hadaan wax laga qaban khataro badan oo amni daro haddii aansi dhakhso ah loogu helin qorshe dadkaasi xanuunsanaya lagaga xereeyo suuqyada, taas oo ay muhiim tahay in xilligan oo dumar badan oo dhimirka qaba ay ku soo kordheen magaalada loo baahan yahay in magaalada laga xakameeyo, isla markaana ay helaan daryeel caafimaad oo wax lagaga qabto xaaladaha qalafsan ee ay ku sugan yihiin dadkaasi oo loo baahan yahay dawlad, ganacsato iyo qaybaha bulshadu inay u naxariistaan dadka xanuunka dhimirka qaba ee tiradoodu marba marka ka dambaysa isa soo taraya sidii loogu gurman lahaa, isla markaana daryeel caafimaad loogu fidin lahaa. |