Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3297

May 23 2013                                                                                 Rajab  13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xubnaha Baarlamaanka Ee Ka Madaxbanaan Saddexda Xisbi Qaran, Halka Ay Ku Biirayaan Iyo Halka Ay Aqalabiyadoodu Ka Soo Jeedo

Hargeysa, May 23, 2013 (Haatuf) – Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee ka madaxbanaan saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, Ucid iyo Wadani oo aqalabiyadoodu ay ka soo jeedaan mudanayaashii laga soo doortay xisbigii Udub ee saaxada ka baxay, ayaa la sheegay inay ku biirayaan xisbiga mucaaridka ah ee Wadani. Xildhibaanada golaha wakiilada ee aan iyagu xisbina ka tirsanayn oo taradooda guud tahay 19 xubnood oo 17 ka mid ahi  ay ka mid yihiin xubnihii xisbigii Udub ee burburay, ayaa mudane ka tirsan kooxdaasi oo ka cudur daartay in magaciisa la shaaciyo ayaa Haatuf u sheegay in xubnahooda Baarlamaanka een xisbina ka tirsanayni ay badankoodu go’aansadeen inay ku biiraan xisbiga Wadani, taas oo ilo wareedyadu intaas ku darayaan in bilihii u dambeeyay kulano hoose u socdeen madaxda xisbiga mucaaridka Wadani iyo xildhibaano ka tirsan xubnahaasi ka madaxbanaan xisbiyada. Dhinaca kale waxay wararku intaas ku darayaan inay jiraan xildhibaano ilaa hada ku adkaysanaya inaanay ku biirin xilligan xisbiyada qaranka, balse ilo wareedyadu tibaaxeen in xilliga ay soo dhawaadaan doorashooyinka wakiilada iyo madaxtooyada ay damacsan yihiin inay ku biiraan saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, Wadani iyo Ucid eek u tartami doona doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada ee lagu wado in hal mar la wada qabto badhtamaha sanadka 2015-ka.