Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3297

May 23 2013                                                                                 Rajab  13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

“Hadii Faroole Uu Isku Dayo Inay Doorasho Ka Qabtaan Deegaankan Ciidanka Qaranku Waxay Diyaar U Yihiin Inay Horjoogsadaan”

Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Iyo Biyaha S/land

Hargeysa, May 23, 2013 (Haatuf) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland C/salaan Maxamed Xasan ayaa wax aan la aqbali karin ku sifeeyey in bulshadda deegaanka Bariga Sanaag ay u dareerto doorashooyinka dhawaan ka dhici doona Maamul Goboleedka Puntland, isla markaana sheegay inay Ciidamada Qaranka Somaliland ay horjoogsan doonaan hadii uu Maamulka Faroole isku dayo inay doorashooyinkooda ku soo fidiyaan deegaanadaas. Wasiir ku xigeenka Macdanta C/Salaan Maxamed waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay Wargeyska Haatuf khadka telefoonka ugu waramay isaga oo ku sugan Magaaladda Badhan ee bariga Sanaag, kaas oo sidoo kale tilmaamay inay ku guulaysteen in markii ugu horaysay mudo 22 sano ah xus balaadhan Magaaladda Badhan loogu sameeyey debaal-degii gooni isku taaga Somaliland ee 18-ka May, kaas oo tibaaxay in bulshadda deegaanadaasi ay aad u danaynayaan in maamulka Somaliland lagu fidiyo oo ay wax la qabaan deegaanadda kale ee dalka.

C/salaam Maxamed Xasan waxa uu sheegay in Xaaladda guud ee Amniga deegaanadda bariga Sanaag inay marayaan wakhtigii ugu wanaagsanaa, isla markaana ay dadku diyaar u yihiin inay wax la qaybsadaan bulshadda Somaliland, kaas oo ka dhawaajiyey inay shacbiga deegaanadaasi inay u heelan yihiin in Mashaariic horumarineed laga fuliyo deegaanadooda. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya xaaladda Bariga Sanaag, waxa uu yidhi “Waxaan degmadda Badhan soo gaadhay 16-kii bishan May, waxaanan u imid halkan inaan bulshadda reer Badhan kala qayb-galo xuska sanad-guuradda 22-aad ee 18-ka May, run ahaantiina si aad u wayn ayey dadka bulshadu noogu soo dhaweeyeen Magaaladdan, Munaasibadii 18-ka May-na si wayn ayey uga qaybgaleen oo aan 22-kii sano ee Somaliland jirtay aan deegaankaas looga xusin, waxaana sidoo kale xusid mudnayd in Wasiir ka socda xukuumadda Somaliland uu bulshadda reer Badhan kala qayb-galo dabaal-dega 18-ka May oo ay dadwaynuhuna si wayn u soo dhaweeyeen uguna farxeen, isla markaana dhacdo taariikhi ah noqonaysa”. Wasiir ku xigeenka Macdanta C/salaam Maxamed isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Arinta Nabad-galyada deegaanka hadii aan waxyar ka taabto run ahaantii xaaladda guud ee Amni ee deegaanka degmadda Badhan iyo bariga Sanaag-ba aad iyo aad ayey u wanaagsan tahay, marka intaas laga tago waxa ugu wayn ee xaga bulshada uu Wal-walku ka jiraa waa doorashooyin la leeyahay Puntland ayaa ka fulinaysa deegaankan oo xaqiiqatan aan xaqiiqada ku salaysnayn, iyada oo hamiga Maamul goboleedka Puntland uu yahay inay keenaan Sanaaduuqda doorashooyinka oo ay sheegtaan deegaankan iyaga oo leh bariga Sanaag, markaa runtii dadbadan oo bulshadda iyo mandaqadaba ku nool ayaa arintaas aad uga wal-walsanaa dhawrkii maalmood ee ugu danbaysay, isla markaana anaguna bulshadda saddexdii maalmood ee u danbeeyey shirar gaar-gaar ah ayaanu la galaynay, waxaananu ula kulmaynay qaab beel-beel ku salaysan iyo si wadar ahaaneed-ba, waxaanan runtii isla qaadanay inaanay wax Doorasho ahi ka dhicin deegaanka Sanaag bari oo ay dadkuna Nabadgalyadooda dhawrtaan, isla markaana Qaranimadooda iyo Madaxbanaanidoodana ay xaq dhawraan, xaqiiqatana dadku arintaas si wanaagsan ayey noola qaateen. Waxaan bulshada niyad sami galisay in Madax xukuumada ka tirsan oo waliba Wasiiro ah ay soo booqdaan, imika saddexii bilood ee ugu danbeeyey waa markii saddexaad ee aan imaado deegaanka, iyada oo ay hore u dhici jirtay in mudo sanado ah aan loo imanjirin, markaa arintani niyad sami ayey galisay bulshadda, taasina waxay keentay inay dadkii arkaan sida xukuumadu u danaynayso oo ay u xoogaysatey taageerada ay u hayaan xukuumaddooda iyo dalkoodaba, waxaanay dadka deegaanku ku dhiiradeen inay shirar gaar-gaar ah galaan oo ay ku taageerayaan Nabadgalyadooda iyo Madaxbanaanida Somaliland, isla markaana ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan in doorashooyin ka dhacaan deegaankooda”. Wasiir C/salaam mar la waydiiyey waxyaabaha uga qabsoomay ujeedadii socdaalkiisa, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Dadkii aanu kula kulanay deegaankani kamay hadlaynin deegaanku ma Somaliland baa mise waa Puntland ee waxay dadka ka hadlayeen oo ay aad u danaynayeen Waxqabad iyo in la soo gaadhsiiyey Mashaariicda Horumarineed ee dalka laga hirgaliyo iyo maamulka lagu soo fidiyo deegaanaddan Bariga Sanaag iyo in loo yimaado oo lala fadhiisto oo lala sheekaysto oo runtii aad iyo aad ayey arintaas u xiisaynayeen oo ay u jecel yihiin”. Wasiir ku xigeenka Macdanta Somaliland C/salaam mar wax laga waydiiyey waxa uu kaga jawaabayo masuuliyiin la sheegay in Maamul Goboleedka Puntland u soo diray deegaanadda Bariga Sanaag oo qorshaynaya sidii ay doorashooyinka Puntland qabsanayo uga qabsoomaan deegaamadaas, waxa uu yidhi “Maya, anigu waxa aan imika joogaa waa degmadda Badhan iyo Laas-qoray, deegaankana ma jiraan haba-yaraatee dad ka socda Puntland oo arimo doorasho u yimid,la iigumana sheegin, Doorasho ka dhacaysaa deegaanka Bariga Sanaag oo Puntland ka hirgalinaysaa haba-yaraatee ma jirto, isla markaana dadka deegaankuna si wayn ayey arintaas uga soo horjeedaan. Bulshadda deegaankan iyo masuuliyiintooduba ma aqbalayaan mana rabaan in doorashooyin uu Maamulka Faroole ka fuliyo deegaanka Bariga Sanaag, waxaananu u xaqiijinaynaa bulshadda Somaliland iyo dunidaba inaanay doorasho ka dhacaysaa deegaankan bariga Sanaag aanay jirin, hadiise ay isku dayaan Maamulka Faroole in si dirqis ah ay uga qabtaan doorasho deegaankan bariga Badhan iyo Dhahar, Ciidanka Qaranka Somaliland waxay diyaar u yihiin inay arintaas horjoogsadaan, imikana Ciidamada Qaranka iyo kuwa kale ee Amniguba deegaanka way ka hawlgalaan, waananu ka hortagaynaa arintaas”.