Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3297

May 23 2013                                                                                 Rajab  13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxwaynaha Somalia Oo Xil. Barlamanka Ka CodsadayInay Hakiyaan Mooshinka Ay Xukuumada Ku Ridayeen

Wararka ka imanaya magalada Muqdisho ayaa sheegaya in Kulankii ay ku yeesheen Xarunta gollaha shacabka Magaalada Muqdisho Mudanayaasha baarlamanka Somaliaay ay  joojiyeen mooshinkii ka dhanka ahaa raysal wasraha soomaliya Shirka uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Barlamanka Somalia Mudane Maxamed Sheekh Cumsnaa Jawaari, waxaana dhinacyadiisa fadhiyay labadiisa ku xigeen, waxaana soo xaadiray 200, oo Mudane. Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia oo halkaasi Khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay ilaa shalay inay is casileen ku dhawaad ilaa 68 Xildhibaan inay ka Tanaasuleen Mooshinkii ay ka keeneen Xukuumadda Somalia, sidoo kale wuxu sheegay in 13 Xildhibaan  ay ku adkaysteen inuu Mooshinku yahay mid sharci ah. Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari ayaa sheegay inay ka laabteen Mooshinkii ay ka keeneen Gollaha wasiirada Xukuumadda Somalia,sidaa dateedna Xukuumadda ay shaqadeeda sii wadan doonto. Mudanayaasha baarlamaanka ee  shalay hoolka shirarka ee barlamanka soomaliya ku soo xaadiray  in  ay gaarayeen 200 oo xildhibaan iyadoo 93 mudane ay goob joog ahaayeen waana  kuwii kasoo horjeeday Xukuumada Saacid. mooshinkana ka keenay Waxa uu sheegay Professor Jawaari in 55 Xildhibaan oo hore mooshinka la keenay ku jiray ay ka laabteen mawqifkoodii hore islamarkaana uu shaaciyey in meesha uu ka baxay dhaliishii loo heystay Ra’iisalwasaare Saacid. “Mooshinkaan markii uu nasoo gaaray ilaa xad waxaan ku dadaalnay inan dhex dhexaad ka ahaano waxaana xildhibaan walbo fursad usiineynay inuu xaq uleeyahay aragtidiisa ayna 55 xildhibaan ay ka laabteen go’aankoodii hore ayuu yiri Jawaari”.

Iyadoo gudoonka Baarlamaanka ay ku dhawaaqeen in meesha uu ka baxay mooshinkii laga keenay Dr Saacid ayaa hadana waxaa muuqanayey Xildhibaano kasoo horjeeday go’aanka lagu laalay Mooshinkii ay keeneen.Qaar katirsan Xildhibaanadii Baarlamaanka ee kulankii maanta ka qeyb galay ayaa waxay usheegeen saxfada  qaarkood in af  qabasho lagu sameeyey Mudanayaasha Baarlamaanka iyadoo qaarkoodna ay sheegeen in arimo farsamo awgeed ula laabteen mooshinkooda. 93-Xildhibaan ayaa dhawaan Mooshin ay kalsoonida kula laaban lahaayeen waxay ka keeneen Dr Cabdi Faarax Shirdoon laakiin maanta ayaa la laalay Mooshinkaasi.dhinaca kale.

Wararka ka imanaya xarunta Madaxtooyada Muqdisho waxaa ay sheegayaan in madaxwaynaha soomaliya xildhibanada barlamanka ka codsaday in ay mudo lix bilood deb ugu dhigaan xukuumada si ay hawlaha caalamku haatan inoo bilaabay anay u dhicisoobin ,janisna la siiyo hawsha ay haatan hayso sidii ay u gabgabayn lahayd Madaxwaynaha ayaa kulano joogta todobaadkan kula qaadanayey xarunta Madaxtooyada soomaliya kaas oo xildhibanada ku qabilayey beel beel iyo guruub guruub ,madaxwaynaha ayaa xildhibanada u sheegay in beesha calamku ka xuntahay arintan mooshinka ah kaas oo uu ku sheegay in is qab qabsi iyo kala tag u keeni karo hadii xukuumada la rido ,waxaa kale oo uu sheegay in dadka soomaliyeed  qaybahooda kala duwan ay ka soo hor jeedan mooshinkan haatan barlamanka hor yaala , Sidoo kale, wararka Madaxtooyada ka soo baxayey ayaa sheegay in xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay ku guuleyseen inay kala dhantaalaan Mudanayaashii baarlamaanka ee waday mooshinka ka dhanka ah Xukuumada, iyagoo u adeegsaday habab kala duwan oo u badnaa balanqaadyo. Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka waday ayaa ku eedeeyay labada xafiis ee Madaxweynaha iyo kan Ra'iisul Wasaaraha inay kala jebiyeen baarlamaanka oo ay kala geeyeen Xildhibaanadii mooshinka waday. "Waxaa jirtay in xildhibaanada beel beel loola shiray, oo xataa balanqaadyo loo sameynayay, waana lagu kala jebinayay, laakiin qaarkeen kama tanaasuleyno mooshinkan, waayo xukuumada lix bilood oo hada wax qaban weyday lixda kalena waa ka sii daran tahay"ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre. Xildhibaanadii Beesha Daarood oo u badnaa xildhibanadii Mooshinka ka keenay  ayaa shalay  kulan la qaatay  Reysalwasaare Saacid waxanay  isku raaceen in ay ka noqdaan Mooshinka kadib markii Saacid uu ka codsaday inay fursad-siiyaan muddo 6-bilood ah.

Xildhibaanadda Beesha Daarood  oo gaarayey 53--Xildhibaan ayaa  ka noqday Mooshinka,waxaana arintaan sacab ku soo dhaweeyay Xildhibaanadda oo ku farxay in jaanis la siiyay Reysalwasaare Saacid oo hawlo badan oo Jubbaland ay ka mid yahay ay hor-yaaliin lagana sugayo in uu wax ka qabto Dhinaca kale Xildhibaanaddi Beesha Digil iyo Mirifle ayaa iyagana ka noqday Mooshinka kadib markii Madaxweyne  soomaliya Xasan  sheikh  u balan-qaaday inuu 12-jaggo oo muhiim ah u magacaabayo, Waa mooshinkii ugu horreeyay ee laga keeno xukuumadda federaalka Somalia ee Shirdoon uu hoggaamiyo.iyadoo jirtay mudo lix bilood ah.