Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3297

May 23 2013                                                                                 Rajab  13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Rag Hubaysan Oo Askari Ingiriis Ah Ku Dhex Dilay London

London, May 23, 2013 (W.Wararka) - Waxa Gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay  Xaafada Woolwich ee koonfur bari ee Magaalada London ka dhacday Israsaaseyn dhexmartay labo Nin oo Mindi ku dilay Askari Bilays ah iyo Ciidamada Booliiska Magaaladaasi. Askariga Labadan Nin dileen ayaa la sheegay inuu ahaa  Wiil dhalinyaro ah oo Ciidan ah oo ah oo da’diisa lagu sheegay  qiyaas ahaan 20-Sano jir. Nimanka ayaa Wiilka yar ku dilay  Midi ay  wateen, waxaanay ku dileen goob dad badani isugu soo uruuray oo uu ka dhacay Shil gaadhi, iyadoo aan ilaa hada  si rasmi ah loo ogeyn sababta ay ku dileen.Falkani markii uu dhacay ayaa Daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaadhay Ciidamada Booliiska oo isku dayay inay qabtaan ragan Dilka geystay balse Ciidamada ayaa ragan xili ay  baxsad ku jireen waxay kala kulmeen iska Caabin. Ciidamada Booliiska Magaalada London ayaa ku guuleestay inay dhaawacaan labadan Nin, sida ay Warbaahinta Ingiriisku warisay dhaawaca labada Nin midbaa halis ah, gacantaanay Bilaysku ku dhigeen Ragaasi.