Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3297

May 23 2013                                                                                 Rajab  13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Duqa Magaalada Toronto Oo Ay Fadeexad Ka Heysato Filim Ay Ka Duubeen Dhalinyaro Soomaali Ah

Toronto, May 23, 2013 (W.Wararka) - Kooxdan Soomaalida ah ayaa sheegay inay hayaan filim ay ka duubeen iyagoo daroogo ka gadaya Duqa magaalada Toronto Rob Ford, isla markaana cabaya sigaar laga sameeyey Daroogada. Waxaa sidoo kale la sheegay filimkan inuu ka muuqdo Duqa magaalada Toronto oo aflagaadaynaya siyaasada Xisbigiisa. Filimkan oo lagu duubay telefoonka Mobile-ka ayaa soconaya 90 ilbiriqsi, balse kooxda Soomaalida ah ee filimkan duubay ayaa saxaafada ka codsaday inay ka iibsadaan oo ay ka siistaan lacag gaareysa $200.000 (Labo Boqol oo kun oo dollar). Labadan jariirad ee Toronto Star iyo Gawker oo lagu yaqaan soo bandhigida warar fadeexad ah ayaa diiday inay jeebkooda ka bixiyaan lacagta lagu gadayo filimkan kooxda Somalida iibineyso, balse taageerayaashooda ayey ka codsadeen inay lacagta isku soo dar daraan si loo soo gado filimkan. Jariirada Toronto Star iyo Gawker ayaa hada bilaabay lacag aruurin ay shacabka ka qeyb qaadan karaan oo ay ku doonayaan inay ku aruuriyaan lacagtii ay ku gadan lahaayeen Filimkan. Suxufiyiinta ka socda labadan warbaahin ayaa sheegay inay indhahooda ku arkeen filimkan balse ay hada doonayaan inay soo iibsadaan si ay u shaaciyaan.Labadan warbaahin ayaa websiteka la yiraaho  Indiegogo ka furay bog ay ku aruurinayaan lacagta iyagoo hada helay lacag gaareysa $74,000.  Shacabka Canada ayaa sugaya filimka oo la baahiyo.