Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3297

May 23 2013                                                                                 Rajab  13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxweynayaashii Hore Ee Real Madrid Oo Si Xun U Dhaleeceeyay Jose Mourinho

Madaxweynihii hore ee kooxda Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa ka mid ah madaxdii ugu danbeysay ee si xun u dhaleeceeya tababaraha ka sii tagaya caasimada Spain Jose Mourinho, isagoo sheegtay in shaqada Bernabeu inay la weynaatay Mourinho. Kooxda La Liga ka dhisan ayaa xaqiijisay in Mourinho uu ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib seddex sanno uu la joogay kooxda. Sanz oo madax ka ahaa kooxda intii u dhaxeysay 1995 ilaa 2000 ayaa u sheegay Radio Marca: “Mourinho waa uu ka soo bixi waayay shaqada, waxaana aaminsanahay in shaqada Madrid ay isaga ka weyneyd.”“Waxa uu taariikhda ka geli doonaa kaliya inuu yahay mid ka mid ah tababarayaashii badnaa ee soo maray Real Madrid, ma aaminsani in loo arki doonaa mid ka mid ah tababarayaashii ugu fiicnaa ama kuwii ugu xumaa.”Ramon Calderon oo isna Bernabeu madax ka soo ahaa intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009 ayaa barnaamijka Sky Sports ee Revista De La Liga u sheegay: “Dabcan waa uu guuldareystay.“Waa rikoorkii ugu xumaa ee tababare Madrid ah ee seddex sanno ama ka badan kooxda joogay. “Mana qabo in sababtaas darteed uu u guuldareystay, waana jira sababo kale oo aad koox ugu guuldareysan karto.“Waxa aan jeclaanin oo taageerayaal badan oo Real Madrid ah aysan jeclaanin waa habdhaqankiisa.“Ma aqaano wixii uu ku sameeyay England laakiin habdhaqankiisii Spain ma aheyn mid u dhigmo taariikhda Real Madrid.“Waxaan leenahay dhaqan ah marka la inagala badiyo inaan gacmo qaadno kooxda kale, dhaqan uma lihin inaan farta indhaha ka gelino waana wixii uu ku sameeyay Tito Vilanova.”