Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3297

May 23 2013                                                                                 Rajab  13,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mourinho Iyo Ronaldo Oo Min Labo Kulan La Ganaaxay, Laakiin Mourinho Spain Kuma Mari Doona Ganaaxa

Jose Mourinho iyo Cristiano Ronaldo ayaa la ganaaxay min labo kulan, laakiin ganaaxaas waxa uu ka dhaqan galayaa kaliya Copa del Rey ama FA Cup. Labada nin ee reer Portugal ayaa waxaa laga saaray garoonka kulankii Real Madrid ay guuldarrada ka soo gaartay Atletico Madrid finalkii Copa del Rey jimcihii hore. Mourinho ayaa taribuunka waxaa saaray garsoore Carlos Clos Gomez ka dib markii uu mudaaharaadkiisa ka badbaadiyay, waxaana la ganaaxay labo kulan laakiin ma maqnaan doono labada kulan ee uga hartay La Liga. Iyadoo tababaraha uu ka tagayo Madrid dhamaadka xilli ciyaareedka, jariirada AS ayaa sheegeysa in ganaaxiisa uu ku qaadan doono koobka maxaliga ee horyaalka kale ee uu tago.Iyadoo lagu xamanayo inuu ku laabanayo Chelsea, waxaa ay markaasi noqoneysaa inuu maqnaan doono labada kulan ee ugu horeysa ee Blues ay ciyaari doonto FA Cup xilli ciyaareedka soo socda. Dhanka kale, Ronaldo ayaa isna diyaar noqon doona kulamada horyaalka ee Real Sociedad iyo Osasuna, iyadoo ganaaxa labada kulan ee lagu soo rogay uu ku maqnaan doono Copa del Rey kaliya xilli ciyaareedka soo socda.28 jirkaan ayaa ganaaxiisa loo kala saaray min hal kulan, mid waxa uu ku mutay jaalayaasha koobka oo u buuxsamay, halka kulanka kale uu ku muteystay casaanka tooska ah ee uu qaatay.