Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3326

June 26 2013                                                                          Shabcaan 17,1434H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xubnaha Wasiirada Cusub Ee Madaxwayne Siilaanyo Magacaabay Habeen Hore Iyo Beelaha Ay Ka Soo Kala Jeedaan

Hargeysa, June 26, 2013 (Haatuf) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo habeen hore saqdii dhexe soo saaray Digreeto uu ku magacaabay xubno cusub oo Wasiiro ah, Wasiir dawlayaal, Wasiir ku xigeen iyo la taliyayaal isla markaana xilka qaaday 9 xubnood oo golihiisa Wasiirada ka tirsan ayaa sidoo kale isku badel iyo dalacis ku sameeyey qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada. Madaxwayne Siilaanyo oo golihiisii Wasiirada ee ugu horeeyey ee uu soo dhisay 28-kii July 2010-kii ay tiradooda guud ahayd 20 Wasiir iyo Lix Wasiir ku xigeen wakhtigan xaadirka ah gaadhsiiyey Golihiisa Wasiirada 47 xubnood oo iskugu jira Wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo Wasiir Dawlayaal ayaa noqonaysa xukuumadii ugu tirada badnayd ee abid Somaliland soo marta. Sidoo kale Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo markii uu xilka kala wareegay Maamulkii hore ee Xisbigii UDUB ayaa golihiisii xukuumadda ee uga horeeyey ee uu soo dhiso ku soo koobay 18 Wasaaradood oo kaliya, halka Wakhtigan Xaadirka ah ay kor u dhaafeen dhawr iyo labaatan Wasaaradood, kuwaas oo qaar ka mid ah aanay lahayn xafiisyo iyo xaruumo ay ku shaqeeyaan oo ay ku hawlgalaan.

xubnaha golaha Wasiirada Somaliland oo Madaxwayne Siilaanyo sidii Maamuladii ka horeeyey uu ku saleeyo qaab beeleed isla markaana Masuulka xilka laga qaado lagu badalo xubin cusub oo ay isku beel yihiin ayaa sida ka muuqata Wasiirada cusub ee uu Madaxwaynuhu habeen magacaabay ayaa ka kooban beelaha dalka wada dega. Dhinaca kale Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu Madaxwayne Siilaanyo magacaabay habeen hore iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan ayaa waxay kala yihiin sidan:-

1.         Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis (Sacad Muuse/reer Shirdoon)

 2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade  (Habar Yoonis/ Cabdalle Isaxaaq)

3.Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Shugri X. Ismaaciil Baandare (Habar Yoonis/Cali Siciid)

4. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed) (Warsangali/Dubays).

5. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal (Samaroon/Jibriil Yoonis)

6. Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin (Ciise/Ma-maasan)

7. Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aaden Axmed Warsame (Samaroon/Maxamed Case)

8. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) (Ciidagale/reer Guuleed)

9. Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Maxamed Cabdille (Dhulbahante/Ugaadhyahan)

10. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees (Ciidagale/reer Gobdoon)

11. Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta  Gobollada Bari ee JSL Cali Maxamuud Axmed (Sandule) (Dhulbahante/Jaamac Siyaad)

12.Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye (Habar Jeclo/Biciido)

13. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Xasan Daahir Dhinbiil (Ciidagale/Abokor Muuse)

14. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda  Beeraha Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar

15. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil (Arab/Samane)

16.Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir (Hawiye/Fiqishini)

17. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdi Daahir Camuud (Ayuub/Geedi Axmed)

18. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir (Habar Yoonis/reer Sugule)

19. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) (Dhulbahante/Bahar-same)

20. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada isla markaana ahaa Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey) (Warsangali-Dubays).