Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 29244 |
April 05, 2012 Jamadi Al-Awal 13,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Afar Qof Oo Laba Faransiis Yihiin Oo Ciidamada Jabuuti Ay Caydhsanayeen Oo Xadka S/Land Firxadkii Soo Galay Iyo Ciidamada Qaranka Oo Duleedka Lawyacado Ku Qabtay Hargeysa, April 5, 2012 (Haatuf) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee xeebta galbeed ayaa shalay galab dooxa Bariisle ee tuulada Lawyacado ku qabtay xubno Ajaanib ah oo laba ka mid ahi ay yihiin Faransiis halka labada kalena ay yihiin Africaan, kuwaas oo ciidamada Djibouti oo ka soo caydhsaday xadka dalkooda ay firxadkii ku soo galeen xuduuda Somaliland, kuwaas oo watay gaadhi noociisu yahay Landcruser oo rasaas badan ay ku rideen ciidanka dalka Jabuuti ee xadku. Sida ay Haatuf u sheegeen Saraakiil ka mid ah Ciidanka Xeebta galbeed Somaliland ayaa noo xaqiijiyay in abaara 5:30-kii galabnimo ee shalay ay xubnahan Ajaanibka ahi oo tiradoodu tahay afar qof oo laba ka mid ahi ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan dalka Faransiiska, isla markaana mid ka mid ahi tahay haweenay oo ay weheliyaan laba qof oo madow ahi oo gaadhi Landcruser ah watay ay xadka Jabuuti ka soo eryadeen Ciidanka dalkaasi ay soo jiidheen kaantaroolkii Bilayska Somaliland ee Tuulada Lawyacado, balse Ciidanka Qaranka ee xeebta galbeed ee jiida dooxa Bariisle ku qabteen abaara 5:30 galabnimo iyaga iyo gaadhi ay wateen. Ilaa hada si rasmiya looma oga asbaabta dhabta ah ee dadkaasi Ajinabiga ah ee ka soo fakaday dalka Jabuuti ay ugu soo talaabeen xuduuda Somaliland iyo ujeedada keentay in ciidamada Jabuuti ay rasaas ku soo caydhsadaan xubnahaasi, hase yeeshee ilo wareeyadu waxay intaas ku dareen in afartaasi qof ee ajanabiga ahi ee soo magangalay Somaliland isla xalay loo soo gudbiyay magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal oo wakhtigan xaadirka ah lagu baadhayo, iyadoo wararku intaa raaciyeen in dadkaasi shisheeyaha ahi ay sitaan Kutub Quraan ah, isla markaana ay Tukanayaan Salaada. |