Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29246

April 08, 2012                                                       Jamadi Al-Awal 16,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Arsene Wenger Oo Digniin Dalabka  van Persie  Ku Aadan U Diray Dhigiisa Manchester City Roberto Mancini

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ka daalay in Manchester City ay ka kaluumeysato mar kasta kooxdiisa, isaga oo uga digay tababaraha Manchester City in uu soo dalbado xagaaga ciyaaryahan Robin van Persie. Emmanuel Adebayor, Kolo Toure, Gael Clichy iyo Samir Nasri ayaa dhamaantood ka tagay Emirates iyaga oo u ruqaansaday Manchester afartii sanno ee ugu danbeysay. Iyada oo uu jiro warka ku saabsan in Van Persie uu yahay ciyaartoyga ku xiga ee ay doonayaan, Wenger ayaa ugu danbeyn digniin culus ka soo saaray qorshaha Sky Blue sida ay qortay Daily Mail. “Ciyaartoy ku filan ayay halkaa ku heystaan haatan” ayuu yidhi. “Miyaan ku faraxsanahay? maya aad ayaan uga walwalsanahay. Lakiin waa wax ka badan howsha caadiga ah” “Van Persie iyo Manchester City? Su’aal lagama weydiin karo arintan sababta oo ah xidhiidh lama sameyn kartid ciyaaryahan qandaraas koox kale kula jira” Wenger ayaa sidoo kale qirtay in Marouane Chamakh laga yaabo in uu ka tago Emirates xagaagan. Chamakh ayaa muuqaalo kasoo baxay isaga oo shiishad la cabaya xiddiga kooxda QPR Adel Taraabt bilowgii todobaadka, waxana Wenger uu durbaba sheegay in ayna aheyn wax la aqbali karo dhaqanka ciyaaryahanka. “Xilligan la joogo lagama jawaabi karo in uu joogayo iyo in kale” ayuu yidhi tababaraha Faransiiska. “Waxan dooneynaa in uu diirada saaro xilli ciyaareedkan isaga oo aan shiishad cabin”.