Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 29247 |
April 09, 2012 Jamadi Al-Awal 17,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Shirwaynihii 1-Aad Ee Ururka WADANI Oo Ku Furmay Dhoola-Tus Sas Badan Ku Abuuray 3-Dii Xisbi Ee Hore U Jiray, Xildhibaano Ku Biiray Iyo Hadaladii Madasha Hargeysa, April 9, 2012 (Haatuf) - Urur siyaasdeedka WADANI ayaa shalay qabsaday shirwaynahoodii 1-aad, kaas oo si rasmi uga furmay Hutel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, isla markaana ay iskugu yimaadeen Ergadii iyo Marti sharaftii ugu tirada badnayd ee taariikhda inta la ogyahay iskugu timaada xaflad Shirwayne Urur ama Xisbi. Shirwaynaha ururka WADANI oo lagu wado in maanta la soo gabo-gabeeyo ayaa shaki badan ku abuurtay saddexdii xisbi qaran ee iyagu hore u jiray ee Kulmiiye, Udub iyo Ucid, marka loo eego bulshada uu iskugu timid, kana dhigaysa ururka ugu taageerada badan ilaa inta la ogyahay 15-kii urur ee isdiwaangaliyey. Shirweynahaas Uurka WADANI ayaa waxa ka soo qayb galay in ka badan 500 Ergooyin ka kala socda Gobolada dalka, Madaxda Ururkaas, Siyaasiyiin, Salaadiin, Shirguddoonka Labada Gole Baarlamaan iyo marti sharaf kale oo ka socotay qaybaha kala duwan ee bulshada oo aad dhawrkun oo qof kor u dhaafay, Waxaana Shirwaynahaas goob joog ka ah xubin ka socotay guddida Diiwaangalinta iyo Ansixinta Ururadda axsaabta qaranka. Sidoo kale waxaa madashaas lagaga xogwaramay Marxaladihii kala duwanaa ee uu ururka WADANI soo maray, sidoo kale Gudidii qaban qaabada Shirweynaha ayaa ka warantay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo mareen hawlaha qabanqaabada shirwaynaha 1-aad ee ururkoodu, waxaanay xilkii ay hayeen ku wareejiyeen guddi shan xubnood ah oo hagaysa mudada shirweynuhu soconayo ah laba maalmood. Mudada uu socdo shirweynaha WADANI ayaa waxa lagu ansixin doonaa dastuurka Ururka iyo xubnaha Hogaanka u noqon doona, Sidoo kale waxa lagu dhisi doonaa xubnaha guddida fulinta iyo golaha dhexe ee ururkaas. Furitaanka shirweynahaas waxa shalay laga jeediyay qudbado kala duwan, kuwaas oo dhamaantoodba lagu bayaamiyay Urur siyaasadeedka WADANI, inuu yahay URUR siyaasi ah oo mucaarad ah, isla markaana aanay jirin dacaayadaha laga faafinayo ee ah in ay xukuumaddu taageerayso. Ugu horayn waxa aynu soo qaadan doonaa hadaladii uu goobtaas ka jeediyey Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee ururka WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Aniga oo ah Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Ururka WADANI, kuna hadlaya magaca ururka waxaan Wadaniyiinta dhamaan ku soo dhawaynayaa shirwaynaha 1-aad ee urur siyaasadeedka Wadani, waxaan idiinka mahad naqaynaa sida Milgaha iyo sharafta leh ee aad nooga ajiibteen Casuumadihii aanu idiin fidinay oo aanu idin leenahay aad ayaad ugu mahadsan tihiin. Xubnaha aas aasayaasha ururka Wadani iyo dhamaanba laamaha kala duwan ee ururka iyo kuwa dibada-ba oo dhan 500 qof, taageerayaasha WADANI inta halkan joogta iyo inta dibada joogta ee sida Live-ka ah inoogala socota Shaashadaha dhamaan reer Wadani meel ay joogaanba Salaan ayaan idiin soo dirayaa. Waxa kale oo aan Mahad balaadhan u soo jeedinayaa hawlwadeenada WADANI ee madashan wayn ee quruxda badan ee aynu fadhino inooga soo shaqeeyey ee inoo soo diyaariyey, waxaanan leeyahay waxaad dhiniciina ka muujiseen hormuudnimadii uu WADANI ka muujiyey fagaarayaasha ee ay kaga duwanaayeen walaalaha kale ee ay Saaxada siyaasada ku wada jireen. Intaa ka dib aniga oo aan jeclayn inaan hadalka idinku dheereeyo waxaan jeclahay inaan dhawr kalmadood ka yidhaahdo ururka Wadani taariikhdiisa, ururka WADANI waa urur ay ku bahoobeen dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland, waana urur u dhashay Somaliland kana dhashay reer Somaliland una taagan inuu sare u qaado inuu nolasha Muwaadinka kor u qaado oo uu gaadhsiiyo heer isku filaansho intii Ilaahay la qabto, sidaad ka aragtaan intii yarayd ee uu jiray waa urur firfircoon oo dardar badani ka muuqato, isla markaana hormuud u noqday intii garoonka siyaasada kula tartamaysa. Ururka WADANI sidaad aragteen waa urur isaga iyo ummadda reer Somaliland quluubtooda uu is tusay”. Isaga oo Guddoomiyaha ku meelgaadhka ahi hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya taariikhda ururka WADANI, waxa uu yidhi “Hadii aan taariikhda ururka waxyar ka yidhaahdo ururka WADANI waxa lagu dhawaaqay taariikhdu markay ahayd 6-dii October 2011-kii oo lagaga dhawaaqay isla Huteelkan Maansoor ee aynu maanta joogno, maalintii Wanqasha waxa shacbiga reer Somaliland daawaday hordhicii ururka WADANI, Maantana waxaynu daawan doonaa bilawga Filim Taariikhi ah. Intii uu jiray Wadani waa ururkii ugu horeeyey ee ugu horbuuxiyey shuruudihii ururada ilaa maalintii Xafladii Wanqasha ilaa taas maanta ee aynu ku qabsanayno Shirwaynaheena 1-aad. Sidoo kale ururka WADANI waa ururka ugu xubno badan Golayaasha Qaranka”. Guddoomiyaha WADANI C/raxmaan Ciro isaga oo hadalkiisa sii wata, kana hadlayey sida ay u arkaan ururada siyaasada ee kale, waxa uu yidhi “Ururka WADANI uma arko dhib iyo khatartoona badnaanta ururadda siyaasadda ee tartamaya, waxay fursad qaali ah u ahayd muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo leh damac siyaasadeed. Waxa kaliya oo loo baahan yahay in ciyaarta xeerarkeeda la ilaaliyo. Waxay iigu muuqataa in Somaliland cida u maqani tahay Ilaahay idankiina ceelkiina loo qodi doono, taloow yaa qodaya. WADANI baa qodi doona inshaalaahu. Way fiican tahay inuu qofku damac yeesho laakiin waa inaan damacaagu aanu ku xad-gudbin damaca dadka kale. WADANI waa urur mudakar ah oo ay ka reeban tahay is aflagaadeynta, isceebeynta iyo hadalo xanaf-leh. Waxa Ururka WADANI rabaa in walaalahayaga kale ee ciyaarta kula jira in si anshax leh oo waafaqsan xeerarka, mabaa’dida iyo hanaanka ciyaarta siyaasadda ay nala ciyaaraan.Ururadda aanu walaalaha nahay waxaanu leenahay waa la tartamayaaye yaan la idinka badin”. Dhinaca kale waxa isaguna madashaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Warshadda ee dawladii Rayaale Eng. Axmed Cali Ubaxle oo ka mid ah Hogaanka ururka Wadani, isla markaana ku hadlayey afka Guddidii qabanqaabada Shirwaynaha shalay furmay ee WADANI, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Sida aynu la wada socono waxa aynu iskugu nimid Shirwaynahan ay ka soo qaybgaleen Ergooyinka, aas aasayaasha ururka WADANI iyo Marti sharafta kale ee tirade badan intuba, waxa ka qaybgalay guddida qaban qaabada oo soo gaadhsiisay heerkan iyo Madashan quruxda badan ee aynu maanta ku wada fadhino. 29 March sanadkan 2012-ka ayaa Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee ururka WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) uu noo magacaabay guddida qabanqaabada shirwaynaha 1-aad ee ururka WADANI, taas oo loo mudeeyey in la qabto maanta oo ah 8-dii April iyo bari oo Insha Alaahu tacaalaa ay bushu noqon doonto 9-ka April, waxaanu Guddoomiyuhu hawshaas u xushay 25 xubnood oo noqotay guddida qabanqaabada golada dalka, kana hawlgali doona qabashada shirwaynaha 1-aad ee ururka WADANI, guddidaas qabanqaabada ayaa si wayn u shaqaynayey mudadii 10-ka maalmood ahayd ee la soo dhaafay, waxaanay guddidu isku dayeen inay sida ugu macquulsan ee shaqo loo fududeeyo ay shaqada u fududeeyaan una dulqaataan daalka iyo culayska laxaadka leh ee dushooda saarnaa, si ay hawlwadeenada shaqadaas loo igmaday hawlahooda u dardar galiyaan waxay iska dhexdoorteen Shirgudoon, kaas oo uu guddidu u qaybisay saddex waaxood oo balaadhan oo mid waliba xilkeeda iyo masuuliyadeeda ay leedahay”. Waxaana Munaasibadaa Shirwaynaha Wadani shalay hadalo ka jeediyey Madaxdhaqmeed ka kala socda gobolada dalka, Abwaan Baarleex, xubno ka mid ah Hogaanka ururkaas oo dhamaantood ku wada dheeraaday Miisaanka siyaasadeed ee uu ururkaas WADANI ku soo kordhiyey Masraxa Siyaasada dalka Sidoo kale waxa shirweynaha WADANI lagu soo bandhigay heeso iyo suugaan lagaga hadlayay Ururka WADANI iyo taageeradda ay bulshaddu u hayso.
|