Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3487

December 31 2013                                                         Safar 28,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mesut Ozil Oo La Sheegay In Aabihii Mustafa Ozil  Ka Danbeeyey Hashiiskii Uu Ugu Biiray Kooxda Arsenal

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya heshiiskii cajiib ka ahaa ee Mesut Ozil uu ugu biiray kooxda Arsenal daqiiqadihii u danbeeyay ee suuqa kala iibsiga xaggaagii tagay, waxaana la sheegay in aabaha dhalay laacib kan ee Mustafa Ozil oo ah wakiil kiisa uu ahaa qofkii sida dhabta ah uga danbeeyay inuu ku biiro Arsenal, wararka ayaa intaa ku daraya in aabaha dhalay laacib kaan uu seddex kooxood lagalay shuruud ah inay bixiyaan lacag dheeraad ah oo uu ugu fududeey naayo lawareegitaanka wiilkiisa lakiin waxaa la sheegay in labo kamid ah ay diideen bixinta lacagtaas, kooxda Arsenal ayana ogolaatay inay bixiso lacagta uu dalbaday Mustafa Ozil sidaas ayeeyna kula wareegtay.

Defence Central oo ah shabakad aad ugu dhow kooxda Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday in aabaha dhalay Mesut Ozil uu shardi uga dhigay in kooxdii bixisa 7 milyan oo Euro oo heshiiska laacibka ka dheeraad ah ay heli doonto Ozil oo uu u fududayn doono heshiiska wiilkiisa. Wargayska ayaa intaa ku daray in kooxaha Man United iyo Man City ay diideen inay bixiyaan lacagta uu sheegtay aabaha dhalay laacibkaan, lakiin kooxda Arsenal ayaa ogolaatay inay bixiso 7 milyan oo Euro, sidaasna loogusoo dhameeyay inay si sahlan kula wareegaan kubad sameeyahaan ree Germany.