Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 29251

April 13, 2012                                                       Jamadi Al-Awal 21,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo BariFurmaya Iyo Xubnaha Tartanka Ugu Jira Jagada Guddoomiyaha

Hargeysa, April 13, 2012 (Haatuf) - Shir ay isugu imanayaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa la filayaa inuu bari ka furmo xaruntiisa magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ah kii labaad ee noociisa ah ee uu yeesho xisbigani tan iyo intii ka dambaysay shirweynihii Kulmiye ee lagu qabtay Hargeysa 2008-dii, waxa ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee lagaga wada hadli doono buuxinta xubinimada golaha dhexe, doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay dhawaan dalka ka dhacdo iyo doorashada goddoomiyaha xisbiga, iyada oo mansabkaasi sida la sheegay hunguri ka hayo qaar ka mid ah xubnaha isku tiriya rukunada waaweyn ee xisiga Kulmiye.

Raga lagu wado inay jagada guddoomiyaha u tartamaan waxa ka mid ah Muuse Biixi Cabdi oo ahaa guddoomiyihii ku meelgaadhka ee Madaxweyne Siilaanyo markii uu ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada dalka 2010-kii uu xilkii gudoomiye-nimada xisbiga Kulmiye ku sii wareejiyey.

Waxa kale oo la sheegay in tartanka jagada guddoomiyaha xisbiga ay ku tartamaan murashaxiin kale oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo la taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Siyaasada Abiib Diiriye Nuur.

Doorashada guddoomiyaha xisbiga ka sokow siday masuuliyiinta xisbigu cadeeyeen kuma jirto ajandaha shirka in murashaxa Madaxweyne ee xisbiga shirkan lagu soo hadal qaado.

Cabdicasiis Samaale oo ahaan jiray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada ayaa waxa la’ aaminsan yahay inuu u tartamo jagada guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ay tahay waxa ku dhaliyey soo jeedin ka timid dhinaca Muuse Biixi oo nuxurkeedu ahaa in Cabdicasiis Samaale laga xayuubiyo xubinimada golaha dhexe si aanu fursad ugu helin in uu Muuse kula tartamo jagada guddoomiyaha xisbiga ama murashaxa Madaxweyne ee xisbiga doorashada dambe ee Madaxtinimada dalka ee 2020.