Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3507

 January 23 2014                                             Rabic Al Awwal  22,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Dumarka Ayuu Qiimaha Guurkoodu Kor U Kacay Dalalka Carabta

Wadanka Qadar oo ka mid ah waddamada ugu qanisan caalamka, ayaa haddana ragga ku nool waxa aad ugu adag guurka dumarka, kadib markii haweenku kor u qaadeen kharashka ku baxa dabbaaldegga habeenka arooskooda iyo sidoo kale biilka qoys ahaan loo siiyo.gabadha marka la guursado,

Hadaba Mr. Jamal Qassim oo ka mid ah ragga lacagta badan kaga baxday guurka, ayaa sheegay inuu munaasibaddii arooska xaaskiisa ku kharash-gareeyey adduun lacageed oo dhan 45,000 riyal oo u dhiganta $123,600 doollar, waxaannu xusay inuu lacagtaas u shaqaysanayey muddo sagaal sanno ah si uu ugu guursado.gabadha uu aduunka ugu jeclyahay,

Hadaba Ninkan Ayaa Yidhi Sida Tan, “Weligay xataa dalka Qadardibadda uga maan bixin, lacagta aan ku guursadayna waan ururinayey muddo dheer, xataa gaadhi aan raaco naftayda umaan iibin” ayuu yidhi Mr. Jamal Qassim.oo ka shekeeynayay sida uu lacagta ku helay,

Waxaa Sido kale uu tilmaamay inuu waqtigan aad uga qoomamoonayo kharashkii fara badnaa ee guurka kaga baxay, maadaama isagoo lacagta intaa le,eg arooskiisa ku kharashgareyey ay xaaskiisii kala tageen sannadkii tagay ee 2012.

Dalka Qadar Dhaqaalaha ayaa hoos u dhacay saddexdii sanno ee u dambeeyey, iyadoo warbixin ay dawladda waddankaasi qadar soo saartay tibaaxday inay arrintaas ugu wacan tahay lacagta la isku guursado oo kor u kacday iyo aqoonta haweenka ee horumartay oo sababtay inay goobaha shaqada dad firfircoon ka noqdaan.waana atan sabab u noqtay,

Sahacbaka reer Qatar waxay aad ugu faanaan holalka ay xafladaha aroosyada ku dhigtaan iyo sida looga qaybgalo habeenka caruuskooda, isla markaana dadku aad u hadal hayaan aroosyada ugu wacdaraha badan dalkaas.ka dhaca si qof walba lo faaniyo ayu aroos wacan oo malayiin dollar ku baxday u dhigta,

Sidoo kale Dadka ku dhawan dalka Qatar way is-wada yaqaanaan oo waa dal aad u yar, waxaanu qof kastaa jecel yahay inaad casuunto habeenka arooskaaga, xataa waa inaad arooska walaalahaas ka soo qaybgalisaa, mana aha arrin aad dookh u leedahay, balse waa mid qasab ah, waayo haddii aad xaflad yar dhigato dadku way ku caayi doonaan.? Sidaa waxa yidhi Xassan Al Ibraahim oo ka mid ah dadka aadka ula socda arrimaha guurka ee waddanka Qatar.

Ugu Danbeyntii Guur-dhaqameedka Qatar ayaa ah mid aad u qaali ah, waxana lagu kiraystaa hoolalka xafladaha aroosyada, waxana habeenkaas ku baxda lacag ka bilaabanta 30,000 ilaa 150,000 Riyaal oo u dhiganta $8,240 ilaa $41,200 doollar, iyadoo ay weliba intaa dheer tahay inay caruuska ku qasab tahay inuu gabadha sii