Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 3508

 January 24 2014                                             Rabic Al Awwal  23,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Burco: Taageerayaal Ka Tirsanaa Xisbiga Kulmiye Oo U Digarogtay Wadani ‏

Burco, January 24, 2014 (Haatuf) - Cuqaal, Waxgarad, Dhalinyaro iyo haween kasoo jeeda Beesha Bariga Burco oo kasoo digarogtay Xisbiga Xaakimka ah ee Kulmiye ayaa si rasmi ah ugu soo biiray shalay xisbiga Wadani, Xaflad taageerayaashan loo Qabtay oo lagu qabtay Hotel Deero ee magaalada Burco ayaa waxa kasoo qaybgalay Madaxda Xisbiga Wadani oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed kuwaas oo kasoo kicitimay dhinaca Hargaysa iyo sidoo kale waftigan waxa ka mid ahaa Xildhibaano Baarlamanka ka tirsan, Madaxda sare ee kal duwan ee xisbigaasi, waxaana Xafladan Taagerayaashani ay  ku soo Bandhigeen Cududooda hadalo kala Duwan oo ay madasha ka soo jeediyay madaxda Xisbiga iyo qaar ka mid dadwaynihii soo diga rogtay.

Waxaana ugu horayn Hadalo kooban oo soo dhawayn ah ku soo dhaweeyay Gudoomiye Xigeen Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Aad baan idiinku faraxsahay marhadii aad nagu soo biirteen Beeshiina Barigu awalba Xisbiga waa ku jirteen maantana cududiina waanu aragnaa, Xisbigan waxaad ka helaysaan Cadaalad oo maanta laga bilaabo waynu u simanahay oo cidna lagama laha ee waa loo simanyahay”.

C/rashiid Riyaraac oo Xafladaas ka hadlaya ayaa Dawlada ku dhaliilay wadahadalada ay la leedahay Soomaaliya waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Taageerada Bariga Burco ee Xubnaha Muhiimka ah ee xisbigan kusoo Biiraya waanu soo dhawaynaynaa Farxad gaar ah bay ii tahay, Kulmiye in badan baa lasoo shaqeeyay oo tacab badan baad soo galiseen Balanqaad badan buu sameeyay, wixii la balan qaaday lama hayo, waxaan leeyahay Xukuumada Markhaati ka noqonmayno in uu Wasiirka Qorshayntu yidhaahdo Sideed iyo Tobankii Gobol ee Soomaaliya ayaa dadka lagu diiwaangalinayaa aad ka mid tihiin, Markhaati ka noqnmayno oo yeeli mayno waxa Turkiga laga wado ee ah in shalay la saxeexay in wax walba laga wadahadlo oo ay ka mid tahay Gooni isu taagii Somaliland, Heshiisyadan iyo xaquqalinkan ay dawaldu qaadanayaso ee shirkadaha la keenayo, waligiin miyaad aragteen dawalda tidhaahda xaquqalin baanu qaadanaynaa,waad ogtiin dekadeenii iyadaan cid lagala tashan in lasoo saxeexayo maxaa lagu qaadanayaa, dhegysan mayno heshiis aan baarlamaan la gayn,Saaka waxaa hadlayay madaxwaynihii Somaaliya waxa uu yidi Midnimada Somaliaya waa muqadas Turkiga waxa laga wadaana waa Muqadas wax intaas ka sokeeya oo lag wada hadlayaana ma jiraan,inagana qoladeenii intay soo noqotay bay yidhaahdeen meeqaam sare ayaa nalagu soo dhaweeyay,

Xildibaan Jaamac Xasan Aada, Xil. Rayte, Xildh. Xuseen Cige, Xoghayaha Guud ee Wadani, Xasan Xuseen, Dr-Fadal, Agaasimihii Hore ee Ciyaaraha Mr-Mustafe, Hinda  iyo madaxkale oo Xisbiga ka tirsan ayaa dhamaantoodba soo daweeyay taageerayaashan kusoo biiray Xisbiga wadani, waxaanay sheegeen inay guul wayn u tahay.

Oday Cabdi Maxamuud Qaloonbi (Cabdi Cago) Yuusuf, Muj: Cawl, Aamina Saado, oo ku hadlayay Tageerayashii iyo Madaxdii kusoo Biiray Xisbiga wadani ayaa dhamaantoodba sheegay ina xisbigan ay kusoo digarogteen ay awood iyo dedaalba isla barabar taagi doonaan kuna kalsoonyihiin inay cadaalad ka helaan.