|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 3512 |
January 29 2014 Rabic Al Awwal 28,1435H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Togdheer Oo Xilkii Kala Wareegay Gudoomiyihii Hore Iyo Nuxurka Khubadihii Madashaas Burco, January 29, 2014 (Haatuf) - Badhasaabka cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa xilkii si rasmi ah ugala wareegay guddoomiyihii hore ee isagu xilkaasi iska casilay dhawaan Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarji). Munaasibadda ay labada masuul xilka kula kala wareegeen ayaa ka dhacday xafiiska badhasaabka gobolkaas, taas oo ay ka soo qaybgaleen Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe, maayirrada Degmooyinka Burco iyo Berbera, xubno ka mid ah guddoomiyeyaashii gobolka Togdheer soo maray, Madaxdhaqameedyo, isuduweyaasha wasaaradaha dawladda, xildhibaano iyo marti sharaf kale oo badan. Ugu horayn badhasaabkii hore ee Togdheer Mr Xamarji oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii sanadka ahayd ee uu xilkaas hayay, kaas oo sheegay in mashaariic badan uu gobolkaasi ka fuliyay, kuwaas oo isugu jira kuwo dawladdu maal-gelisay iyo kuwo hay’addo caalami ahi taageero ka geysteen fulintooda. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan Gobolkan badhasaab ka ahaa muddo sanad ah, sanadkii afar maalmoodbaa ka dhiman, intii aan xilka hayay waxyaabo badan ayaa noo qabsoomay, waxaanan aad ugu mahad naqayaa golaha deegaanka degmada Burco oo aanu wada shaqayn balaadhan naga dhaxaysay”. Isaga oo hadalkiis sii watana, waxa uu yidhi “Runtii sanadkaas aan xilka hayay waxa gobalka iiga qabsoomay waxqabad badan oo la taaban-karo haday noqoto, horumarka, amniga iyo waliba dhamaanba howlaha maamul ee gobalka.waxaan mudadii aan xilka hayay aan dhamaystiray wadada isku xidha Qasabka iyo Manhal, wadada isku xidha October iyo Caqaayadda, waxaan intii noo hirgalay dhismaha xaruunta shaqadda iyo arrimaha bulshada. runtii waxaanu qalabayn iyo wax ka badal ku samaynay xarunta maamulka gobalka,badhisabka cusub waxaan leeyahay xafiiska waxaan ugu imi teeb nasiib wanaagsan badhisabka cusub waxaan ku warejinaya maanta computero,waxaan saldhig police ka hirgaliyay degmada War-cimraan, degmada Duruqsi waxa laga hirgaliyay bridge-ka ay ka gudbaan dadku xiliyada roobabka,waxaanu laba ampulance gudonsinay degmooyinka duruqsi iyo balidhiig,badhisabka cusub waxaan usoo jedinayaa inuu guddi u saaro degmada kalbare oo runtii ah degmo aad u hosaysa,degmada qoyta waxaan u sameyay guddi ka shaqaysa horumarka degmadaasi,waxaan maanta tilmaan taarikhiya kaga tagayaa gobalkii togdheer ninba wax buu sii suntadaa,anigu waxaan sameyay buugii horumarka gobalka togdheer oo ku salaysan 2014 ilaa 2016. Xamarji ahaan waxaan noqonayaa qofkii kowaad saxibaydayii hore iiga horeyay uma halayn-maayo inuu Sameyay badhasaab aniga iga horeeyay, buuga horumarka gobalka ee aan sameeyay waxa ku qoran wax Alle iyo wixii baahiya ee ka Jira gobalka, waxa ii sharafa iyo magac ah dalka 13 Badhasaab ayaa jira waxaanan ahay Badhasaabkii ugu horeyay ee sameeya buuga horumarka gobalka". Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, kaas oo ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay gobolka, isaga oo dareenkiisa cabirayana, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Reer Burco iskuma cusbin, inkasta oo aan xil ka soo qaban, hadana meelo badan kolay waanu iska aragnay, Burco waa hooyadii Somaliland oo waa halkii Somaliland lagu aasaasay”. Dhinaca kale wasiir ku-arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe oo xafladaasi ka hadlay, ayaa dar-daraan iyo talooyin u soo jeediyay labada guddoomiyaha xilka la wareegay, isagoo amaan balaadhan u jeediyay Badhasaabkii hore, kan cusubna ku soo dhaweeyay wada shaqayn iyo gacmo furan. Ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Tariikhdu iyada ayaa is qorta,masuulka kasta oo haya xil dowladeed saxaafadda ayaa laga dheehdaa waxqabadkiisa,aniga qudhaydu waxaan ka markhaati kacayaa horumarka uu gobalka Togdheer gadhsiyay Xamarji, dhawaan Buuhodle ayaan idiin dhaafo markii aan gudaha magalada dhexmarayay waxqabad badan ayuu Xamarji ku soo kordhiyay,xamarji waxaan leeyahay xilka waad iska casishaye ilaahay meel roon hakugu bedelo,gudomiyaha cusub waxaan leeyahay reer burcow waxa laydinka rabaa inaydun soo dhawaysaan gudomiyaha cusub oo aad la shaqaysaan" Waxa kale oo iyaguna madashaasi ka hadlay Maayirka degmada Berbera C/shakuur Maxamuud Cidin, maayirka Burco Maxamed Muraad, taliyaha qaypta Police iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan waxaanay ka mara kaceen waxqabadka muuqda ee uu soo bandhigay badhasaabkii hore ee gobalkaas Mr Xamarji, kuwaas oo tilmaamay inuu ahaa nin hawlkar ah oo wax badan ka qabtay gobolka Togdheer. |