Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3528 |
February 17 2014 Rabi Al Thani 17,1435H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Daniel Alves Oo Weeraray Man City: Lacag Kastoo Haysataan Waligiin Ma gaadhi Doontaan Barcelona” Daafaca kooxda Barcelona Daniel Alves ayaa weerar ku qaaday kooxda Man City ee dalka ingiriiska iyo waliba maamulka kooxda kuwaas oo kooxda galiya dhaqaale xoog badan si ay uga dhigaan koox wayn. Alves ayaa sheegay in magaca iyo taariikhda aan lagadan karin si walboo aad u soo gadato ciyaartoy waa wayn wuxuuna sii raaciyay in City lacag kasta oo ay bixiso aysan gaari doonin kooxda Barcelona. Alves oo waraysi siiyay Wargayska Sunday People ayaa yidhi” Laga yaabee inaad haysato lacag badan laakiin waligaa kama mid ahaan doontid kooxaha fiican, Si walboo aad u haysato lacag ma jirto wado aad ku gadan karto guulo iyo sharaf”. “Man City waxay haystaan ciyaartoy fiican, laakiin lagama yaabo maalin maalmaha ka mid ah inay la mid noqdaan Barcelona, waa koox lagu dhisay lacag iyo in loosoo iibiyo ciyaartoy waa wayn, laakiin barcelona waa koox leh taariikh iyo heerar sare oo dib ugu laabanaya waqtiyo hore”. “Waxay haystaan ciyaartoy muhiim ka ah wadamadooda, waxaan u baahanahay inaan ula ciyaarno si fiican, uma ciyaari doono inaan ka galno difaac, laacib kasta oo Barcelona ah kuma fikiraayo waxaan guul ahayn xitaa bar baro marabno, laakiin sidaas oy tahay labada kulan waxay ahaan doonaan laba kulan oo adag”. “Messi wuxuu ku soo laabtay sidii lagu yaqaanay, waa inaad qorshaysaan oo aad si fiican uga fekertaan qaabkii aad ku celin lahaydeen, laakiin si walbood isugu daydaan midaas Messi ma ahan laacib la celin karo”. |