Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3551 |
March 16 2014 Jamadi Al Awwal 15,1435H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Suldaan Lagu Caleemo Saaray Deegaanka Hayayaabe Ee D/Boorama Boorama, March 16, 2014 (Haatuf) - Suldaan cusub oo ka mid noqon doona salaadiinta Beelaha dega gobolka Awdal, isla markaana ka soo jeeda Suldaan fac-weyn oo ka mid ahaa Salaadiintii waaweynayd ee beelaha Gadabuursi Awgiina ahaa Suldaan Cumar Cali Bucul oo si weyn looga yaqaanay Somaliland iyo Kililka 5aad ee Ethoipia ayaa Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay waxa lagu caleemo saaray deegaanka Hayayaabe ee galbeedka Boorama. Xaflada Caleemo saarka Suldaankan Cusub oo magaciisa la yidhaa Suldaan Ciise Suldaan C/laahi Suldaan Cumar ayaa waxa ka soo qaybgalay dad faro badan oo iskugu jiray Salaadiinta Waaweyn ee Gobolka Awdal, Culimaa’udiin, Cuqaal, Waxagarad, Aqoonyahan, Maamulka degmada Boorama iyo Dadweyne Tiro badan. Caleemo saarka Suldaanka ayaa hormood u ahaa oo caleemo saaray Beesha Aaden/Yoonis ee Samaroon oo Suldaanka iyo Awawyaashii Asal ahaan dhaqan u lahaayeen xilka suldaanimo ee la saaray suldaankan sida ay sheegeen duqaydii iyo waxgaradkii caleemo saaray ee ka soo jeeday beesha caleemo saartay Suldaan Ciise. Caaqil Nuur Askar oo ka hadlay Xaflada Caleemo saarka ayaa sheekeeyay Taariikhda Saladanada uu ka soo jeedo Suldaanka la caleemo saaray, wuxuuna xusay in Awawgii uu ahaa nin taariikh ku leh bulshada deegaanada Somaliland, wuxuuna intaas ku daray in ay beel ahaan rajaynayaan in halkii taariikhda uu ka lahaa ee Awawgii uu gaadhsiin doono Suldaanka Cusub ee Suldaan Ciise magaca amase sida uu dadkiisa wax ugu qabanayo. Suldaan Sulaymaan Cali Ismaaciil oo xaflada ka hadlay ayaa isaguna sheegay in suldaanku yahay mid tirsada 3 abtirsiimo magaca suldaanka, waana midka uGu taariikh dheer gobolka Awdal xaga suldaanimada. Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal ayaa isagu kula dardaarmay in uu cadaalad ogaado, isla markaana ay ku soo dhaweynayaan golaha salaadiinta Gobolka Awdal, waxaanan rajaynaynaa inuu kaalintiisa ka geli doono hawlaha dhaqanka. Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa isaguna kula dardaarmay in uu sadex iska ilaasho Gacan gudhan, Gar Eexo iyo Gudoon Jilicsan, wuxuuna beesha dooratay ee Aaden/Yoonis ka dalbay in lala shaqeeyo Suldaanka wixii uu ka mudnaana ay fuliyaan. Gudoomiyaha Golaha deegaanka degmada Boorama Sulaymaan Xasan Xaddi ayaa isaguna ka maamul ahaan sheegay in ay Arintani tahay mid dhaqan ah isla markaana ay la shaqayn doonaan, soo dhaweynayaan, wuxuuna ku booriyay beesha dooratay inay is barbar taagaan isaga iyo madaxdii dhaqanka ee hore ee beesha ka jirtay. Sidoo kale waxaa iyaguna xafladaasi hadal ka jeediyay Xildhibaan Xasan Caynaan, Xildhibaan Kacab oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Boorama. Xafladan waxa kale oo ka hadlay madaxdhaqameedo faro badan kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyay Suldaanka cusub ee Suldaan Ciise Suldaan C/lahi SuldaanCumar, waxayna dhamaantood u hambalyeeyeen Suldaanka Cusub iyaga oo u rajeeyay inay in uu noqdo mid xilkiisa guta. Suldaanka Cusub Suldaan Ciise Suldaan C/laahi ayaa isaguna u mahadceshay dadka iskugu yimid caleemo saarkiisa, wuxuuna bulshada dooratay iyo beelaha kalaba u balan qaaday in uu si wanaagsan u hogaamin doono oo ku salaysan dhaqanka iyo nabadgelyada, wuxuuna ka codsaday dadka in ilaahay uga baryaan in xilka u fududeeyo, isla markaana ay ugu duceeyaan. |