Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3569

  April 6 2014                                             Jamadi Al Thani 6,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Lacag Hal Milyan $ Oo Xaqul Qalin Ahaan Looga Qaaday Shirkad Shidaal Baadhaysa Oon Ku Dhicin Khasnada Dawlada

Hargeysa, April 6, 2014 (Haatuf) - Lacag hal milyan oo dollar ah oo ay shirkada shidaalka baadhaysa Ansan Wikfs xaqul-qalin ahaan u bixisay saddex bilood ka hor ayaan ilaa hada ku dhicin khasnada dawlada.

Lacagtan oo ka mid ahayd milyan iyo sideed boqol oo kun oo dollar oo mulkiilaha Yemeniga ah ee Ansan Wikfs Shaaher Abdul-Xaq ku wareejiyey 20-kii December 2013 ayaa wali ku jirta gacanta Wasiirka Macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen waji-xun).

Wasiirka ayaa wariyeyaal uu kula kulmay xafiiskiisa todobaadkii hore u qirtay in lacagtaas halka milyan ahi ay jirto oo ay wasaaradu u hayso in wax lagaga qabto arimaha wacyigalinta deegaanka shirkada liisanka loo siiyey inay shidaalka ka baadho.

Xeerarka iyo nidaamka maaliyada ee dalka ayaa waajibinaya in wasaarada maaliyada oo qudha ay qabato dakhliga dawlada oo waliba iyaduna dakhligaasi toos ugu wareejiso Baanka.

Waana markii labaad ee ay soo shaac-baxdo lacag dakhli dawladeed ah oo wasiirkani ku hayo meel ka baxsan wasaarada maaliyada iyo baanka Somaliland iyadoo mudo laba sanadood ku dhawaad laga joogo uu Baanka Dahabshiil ku xaraystay lacag ay hay’adi ku caawisay wasaaradiisa.