Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3569

  April 6 2014                                             Jamadi Al Thani 6,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Dhalinyarada Arabsiyo Oo Qabta Adeeg Looga Baahnaa Maamulka Degmadaasi, Fursado Shaqona Ka Helay Dooxa Magaaladaasi

“Maalinta Uu Suuqaygu Ugu Xaamisan Yahay Waa Marka Uu Dooxu Socdo Ee Baabuurtu Gasho Niista, Waxaan Maalintaa La Hoydaa $30” Axmed Xasan

Hargeysa, April 6, 2014 (Haatuf) – Dhalinyarada magaalada Arabsiyo ayaa xiligan roobka gu’gu curtay bilaabay fursado shaqo ay iskood uga raadsadaan doox-yada xaga galbeed ka xiga magaalada Arabsiyo, kuwaas oo ciida ama niista uu soo rogo dooxyadaasi ka gura si aanay baabuurtu u galin, isla markaana dhaqaale ka soo galo adeegaa ay u qabtaan baabuurta bulshadda ee isticmaala jidka mihiimka ah ee gobolka Maroodi-Jeex iyo gobolada galbeedka dalka isku xidha.

Deegaamadan u dhexeeya Arabsiyo iyo Gabiley ayaa leh dooxyo marka ay roobabku soo rogan daadadka khatar galiya gaadiidka iyo ciid ay galaan baabuurta iskaga kala gooshaya magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley, balse xiligan waxa arintaasi ka hawlgala dhalinyaro iskood isku xilgaantay, kuwaas oo samaystay Kaawe-yaal lagu jiido baabuurta gasha camuuda dooxyadaasi iyo Majarafado iyo qalab kale oo ay camuuda niista ah kaga guraan taayirada gaadiidka dooxa gala, isla markaana intooda badan marka ay ku guulaystaan woxogaa lacag ah dadka baabuurtaas wataa ay siiyaan dhalinyaradaasi.

Mid ka mid ah dhalinyaradaasi oo magaciisa ku sheegay Axmed Xasan Cabdi oo wariye Wargeyska Haatuf ka tirsani shalay kula kulmay badhtanka dooxa magaaladda Arabsiyo ka xiga dhinaca galbeed ayaa isagu sheegay inay fursado shaqo oo xaddidan ka helaan dooxaasi xiliga roobku da’o ee ay soo rogmadaan togogaasi, kaas oo tilmaamay in habeenka ay ugu yartahay uu la hoydo lacag gaadhaysa ilaa $30 ah.

Ugu horayna isaga oo Mr Axmed ka hadlaya fursadaha shaqo ee ay ka helaan dooxa Arabsiyo, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Alxamdulilaah Ilaahay baa mahad iska lehe xiliga roobka ee aynu dhamaanteed wada mahadino anaga si gaar ah ayaanu u mahadinaa sababta oo ah, waxaanu nahay dhalinyaro tiro badan oo waliba muwaadiniin ah, waxaanu xaq u leenahay inaanu helno shaqooyin iyo adeegyada aas-aasiga ah ee dhalinyarada nala midka ah ee dunidu hesho, markaa maadaama oo aanu nahay kuwa bilaa camal  ah oo habayaraatee aan shaqo haysanin, waxaanu xiliga roobka fursado shaqo oo mudo kooban socda ka helnaa dooxyada magaaladda Arabsiyo ku dhaw, khaasatan kan dhinaca galbeedka ka xiga magaaladda, waxaananu woxogaa lacag ah oo aan badnayn ka qaadnaa baabuurkasta oo gala camuuda Niista ah iyo dhoobada isku dhagsan, waxaanan haysanaa xadhko kuwa baabuurta lagu jiido ah ee Kaawaha loo yaqaano, waxa kale oo aanu haysanaa Majarafada aanu camuuda kaga gurno marka uu dooxa gala oo aanu aakhirka ku guulaysano inaanu ka saarno baabuurtaasi”.

Isaga oo ninkan muruq-maalka ahi hadalkiisa sii wata, isla markaana  ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey xaddiga lacagta ay ka qaadaan baabuurkasta oo ay ka saaraan camuuda bataaxda ah ee dooxa, waxa uu yidhi “Run ahaantii waxay ku xidhan tahay hadba wakhtiga iyo tacabka naga gala mudada aanu kaga saarno ciidda, laakiin inkasta oo aanu inta badan qofkasta waxa uu hayo ka qaadno qaarna aanu iskaba dayno hadii ay noo sheegaan inaanay waxba haysanin, hadana cel-celis ahaan baabuurta yaryar waxaanu ka qaadnaa 10 doollar ilaa $5, Gawaadhida waawayna iyaga ka ugu yar ayaanu ka qaadnaa 10 doollar”.

Axmed Xasan Cabdi mar uu ka hadlayey faa’idada ka soo gasha cadilaada ay dooxyadaasi kala kulmaan gaadiidlayda isticmaalaysaa, waxaanu si kooban u yidhi “Maalinta uu suuqayagu ugu xaamisan yahay waa marka uu Dooxu socdo ee baabuurta badankoodu gasho oo aanu madaxa qaadi-waynaa, waxaanan habeenka aan ugu yarahay la hoydaa $30, markaa adigu waa shaqo xili-roobaadka aanu ka helno dhaqaale aanu ku qabsano baahiyahayaga gaarka ah iyo kuwa qoysaskayagaba”.

Dhinaca kale maamulka dawladda hoose ee degmadda Arabsiyo ee gobolka Gabiley ayaa iyagu u muuqda kuwo ku fashilmay dayactirka dooxa magaalada dacalka galbeed ka mara ee aadka ugu dhaw, kuwaas oo tahli-kari waayey inay ugu yaraan camuuda ka guraan 30-ka Mitir ee dooxaasi ee ay Niistu qarisay wadada laamiga ah ee dhexmarta, taas oo bedelkeeda ay dhalinyarada muwaadiniin ahi ka xoogsadaan, kana samata-bixiyaan baabuurta dhex-fadhiisata dooxaasi.