Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3569 |
April 6 2014 Jamadi Al Thani 6,1435H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Shirkada Haboon Deeqa Oo Tukaan Cusub Oo Dharka Lagu Iibiyo Ka Furatay Hargeysa Hargeysa, April 6, 2014 (Haatuf) - Shirkada dharka ee Haboon Deeqa ayaa shalay tukaankii ugu horeeyay ka furtay magaaladda Hargeysa ee caasimada Somaliland. Munaasibada furitaanka dukaankan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta cusub ee ay Haboon Deeqa ka furatay magaalada Hargeysa oo ku taala Suuqa Hoose ee Hargeysa, waxaana ka soo qaybgallay Mulkiilaha shirkadda Haboon Deeqa, Marwo Haboon Jaamac Xasan, Gudoomiye-yaasha Suuqyada Gobanimo iyo Waaheen iyo Marti sharaf kale. Qaybtan cusub ayaa waxa si weyn u soo dhaweyey dadka ka ganacsada badeecadaha ay Haboon Deeqa dalka keento waxayna sheegeen inay aad ugu farax sanyihiin inay dalka ugu keentay alaabtii ay dibada ka soo diri jirtay. Mulkiilaha shirkadan Haboon Deeqa oo magaceedu yahay Haboon Jaamac Xasan oo warbaahinta kula hadlaysay xaruntan dharka ah ee ay ka furatay caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegtay inay dalka ku soo kordhin doonto dhar casri ah. Sida oo kale bacadlayaasha Waaheen, Masno iyo tukaanada dharka ee Hargeysa ayaa si diiran u soo dhaweeyay jumlad-lahan Haboon Deeqa, sida ay ka sheegeen xaflada furitaanka tukaankan dharka casriga ah ee Haboon Deeqa. Maxamed Ibraahin Dubad oo ku hadlaayay afka bacadlayaasha suuqa Waaheen ayaa si diiran u soo dhaweeyay Haboon Deeqa waxaanu yidhi “Runtii waa meherad muuqaal qurux badan leh, in badan ayaynu ka maqlaynay warbaahinta Haboon Deeqa, laakiin maanta waxa ay inoo timi iyada oo cagaheedii ku socota, maheradeeduna waa bisaylkii loo baahnaa mar haddii aanay tafaariiqaynayan waxii ay iibinaysay, waad ogtihiin oo waxa jira meherado badan oo intay keenaan jumladii hadana iyagii uun tafaariiqeeya, hadaanay midh midhkaas nagu iibin aadbaanu u soo dhawaynaynaa hadaanu nahay bacadlayaasha suuqa Waaheen.” Axmed Cabdi oo isaguna ku hadlaayay afka suuqa Masno ayaa si diiran u soo dhaweeyay furitaanka jumladlaha Haboon Deeqa waxaanu isna yidhi “Hadaanu nahay shaqaalaha Masno waxaanu aad iyo aad u soo dhawaynaynaa Haboon Deeqa oo inbadan warbaahinta aanu ka maqli jirnay, in badana wax aanay keenin aanu ku iibinay magaceeda, laakiin hada gacantaan ku haynaa, inaan yar oo afar jir ah ayaan dhalay oo markay tidhaahdo Haboon Deeqa wax iiga soo iibi ayaan yidhaahdaa waan kaaga soo iibiyay aabo, waanu soo dhawaynaynaa.” Sida oo kale Mawliid Axmed Jibriil oo ka tirsan dadka dharka ka ganacsada ayaa aad u soo dhaweeyay jumlad laha Haboon Deeqa“Waa maalin muhiim ah oo Haboon Deeqa oo aanu hawada ka maqli jirnay ay dalkii soo cagi dhigatay, taasna waxa suurto galisay nabadgalayda iyo horumarka Somaliland ka jira, waxaanu leenahay dalka ku soo dhawoow waa dalkaagii hooyo, dadkana waxaanu leenahay ka warhaya Alaabtii aad Dubai aad ugu dhoofi jirteen in halkan laydiin ku keenay.” Waxa kale oo iyaduna halkaasi ka hadashay Xaliimo Mooge oo ah wakiilka Somaliland ee Tukaanka Haboon Deeqa, taas oo iyaduna soo dhaweysay, isla markaana tilmaantay inuu dukaankani wax weyn ku soo kordhin doono ganacsiga dalka. Ugu danbayntii Haboon Jaamac Xasan (Haboon Deeqa) ayaa farxad balaadhan ku tilmaamtay inay ka furtay Hargeysa jumladlihii ugu horeeyay ee dharkeeda, waxaanay xustay inay alaabooyin casri ah ku soo kordhin doonto suuqa ganacsiga ee Hargeysa, waxaan hadaladeeda ka mid ahaa “Waxa iifarxad ah in magaalo madaxdii Somaliland aan ka furo tukaankii ugu horeeyay ee jumlad ah, wax tafaariiq ahna aan ahayn, oo maanta(Shalay) aniga iyo inamadii suuqa ku jiray haday bacadle tahay iyo haddii ay tukaanadii yar yaraa tahay intuba ay i hareero joogaan, kolba waxa ay naga dalbadaan ee casri ah ayaanu ku soo kordhino suuqa Hargeysa.” |