Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3569

  April 6 2014                                             Jamadi Al Thani 6,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Nin Khiyaanay Xaaskiisa 8 Sano Kadib Markii Uu U Sheegtay Magac Been Ah

Haweeney la degenayd ninkeeda 8 sanadood una haysay hal carruur ah ayaa ogaatey inuu khiyaaneeyey ninkeedii.

Gabadhan oo u dhalatey dalkaasi Zimbabwe, ayaa aad ula amakaagtey, markii ay ogaatey ninkeedii magaciisii saxda ahaa sideed sano kadib.

Gabadhan oo ahayd qof aad u samir badan lana yidhaah Ndou ayaa ka hor muuqatey xaakimkii caasimada dalkaasi ee  in Bulawayo, iyadoo codsatay in ninkeedu siiyo biilka carruurta,oo ay iyadu u taqiiney ninkeeda Tawanda Mugwi.

Si kastaba ha ahaatee,markii la joogey maxkamada,ayaa ninkeedu wuxuu isticmaalay magaciisa saxda ahaa ee Jeremiah Govanayi.

“aad baan uga shalaynayaa inaan arrintan ku dhawaaqoI,laakiin magacaygu waa  Jeremiah Govanayi  waana magacayga runta ah,waana magaca iigu qoran kaadhka dhalashada,” ayuu usheegay xaakimkii maxkamadda.

“taasi waxay la micna tahay in sideedii sano ee u dambaysay,waxad xidhiidh qoto dheer la lahayd haweeneydan iyaduna maynan garanayn magacaaga saxda ah,” ayuu yidhi gadhsoorihii maxkamadda isagoo dhoola cadeynaya .

Govanay uma jawaabin wuuna aamusay xishoonayeyna. Xaaskiisuna aad bay u yaabayad iyadoo la yaabanayd sideedii sano ee ayla noolayd ninkeeda aysana ka warhayn magaciisa saxda ah.

“wuxuu iisheegay magacan Tawanda markii aan isguursanay.mana garanayo sababta uu ii khiyaamaynayey,” ayay tidhi Ndou iyadoo amakaagsan.

Xaaskiisa ayaa ka codsatay ninkeeda inuu bixiyo $163 oo ah biilka carruurta. Laakiin gadhsooraha ayaa ku amray ninkeeda inuu bixiyo $80 bishii.