Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Guddida Qandaraasyada Oo Laga Shakisan Yahay Inay Sii Calaamadaysatay Cida La Siinayo Mashruuca Diiwaangalinta Madaniga

Hargeysa, April 7, 2014 (Haatuf) - Qaar ka mid ah shirkadihii damacsanaa inay ka qayb qaataan tartanka qandaraaska lagu bixinayo hirgalinta mashruuca diiwaangalinta madaniga ah (civil registretion) ayaa dareen shaki leh ka muujiyey qaabka ay gudida qandaraasyada qaranku ugu talo gashay inay ku soo xusho shirkada ku guulaysata tartanka qandaraaskaasi.

Guddida ayaa todobaadkan qoraaladii qandaraaska (tender documents) internet-ka ugu dirtay shirkadihii soo doontay qandaraaskaa iyadoo qaar ka mid ah shirkadahaasi ay markiiba ka boodeen siday gudidu usoo diyaarisay shuruudaha qandaraaska.

Mashruucan diiwaangalinta madaniga ah oo ujeedadiisa aan ilaa hada la fahamsanayn ayaa waxa la sheegay inay ku baxayso lacag lagu qiyaaso $3.5 milyan (Saddex Milyan iyo Shan boqol oo kun oo dollar) oo ay xukuumada Somaliland bixinayso.

Shirkadaha wax saluuqsan ayaa qaabka loo diyaariyey qandaraaska ku tilmaamay mid loogu talo galay in qiimihiisa iyo kharashku isku go’aan taas oo ay sheegeen in aanay waafaqsanayn curfiga iyo nidaamka loo raaco dajinta qandaraasyada.

“Waxaad moodaa in qaabkan qandaraaska loo diyaariyey lagu bajinayo shirkadaha oo ay gudidu sii calaamadsatay cida la siinayo mashruucan diiwaangalinta” ayuu yidhi maareeyaha mid ka mid ah shirkadaha qandaraaska soo doontay.