Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Waddani Oo Sheegay In Xukuumaddu Ay Laydh La’aan Badey Cusbitaalka Hargaysa

Hargeysa, April 7, 2014 (Haatuf) - Xisbiga mucaaridka ah ee waddani ayaa xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne axmed maxamuud siilaanyo ku eedeeyey in cusbitaaladii dalka ay dayacdey sheegayna in cisbitaalka guud ee magaalada Hargaysa maalmahan ugu dambeeyey laydh la’aan ku habsatay iyagoo tilmaamay in mashiinadii ubixi jirey ay cilad u fadhiisteen.sidaana waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu soo saaray shalay ku simaha guddoomiyaha xisbiga waddani isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka koowaad waxana uu u qoraa isagoo dhamaystiran sidan;-

Xisbiga WADDANI waxa uu aad uga walaacsan yahay xaalada addag ee ay ku sugan yihiin dadwaynaha dan’yarta ah ee tabaya waxyaabihii aasaaska u ahaa nolosha dhamaanteed ee ay dusha u saaraaya Xukumada talada haysa oo aan kuba baraarugsanayn dhibaatada ay ku sugan yihiin muwaadiniinta ku rafaadsan waddanka iyadoo taa badalkeeda xukumadu ku mashquulsan tahay faan badan iyo dhagaxaan ladaadiyo oo been ah

Waxaa Xisbiga WADDANI uu muuqata Cisbitaalada dalka oo xidhmay iyada oo markii horeba ay aad u yarayd adeega dadwaynuhu ka helaan cisbitaalada guud ee dalka

Waxaa xidhmay Cisbitaalada ceerigaabo, kii laas-caanood, kii caynabo iyadoo xaalada laga dayrinayo Cisbitaalada waaweyn ee Boorama, Burco, Baligubadle iyo Cisbitaalka guud ee Caasimadda.

Sida aynu wada ogsoonahay Cisbitaalka caasimadu wuxuu 200 miter u jiraa Qasriga Madaxtooyadda, waxaana nasiib darro ah in maanta dadku laydh la’aan ugu dhimanayaan.

Sidoo kale Maxakamadda oo dhinaca kale uga jirta 200m waxaaynu ka dharagsanahay  inay xidhnaayeen maalmihii ugu danbeeyey oo ay u shaqayn kari waayeen laydh la’aan,   waxaan indhaha Shacabku si fiican u dhuganayaan  Qasridga Madaxtooyada oo u dhexeeya Maxkamadaha Iyo Cisbitaalka wayn  aanu mar kaliya ka bakhtiyin laydhku biyuhuna ka go’in.

Sidaa darteed waxa uu Xisbiga WADDANI canbaaraynayaa damiirka hogaamineed ee Qasriga Madaxtooyadda ee ogolaaday in laydh la’aan loogu dhinto Cisbitaalka wayn, Maxkamaduhuna u adeegi kari waayaan Muwaadiniinta yadoo ay ku filaan lahayd waayir 200m ah oo gudbiya adeega korabtada looguna shaqeeyo muwaadiniinta.

Haddaba Xisbiga WADDANI waxaa uu Xukuumadda u soo jeedinayaa in ay iska dayso faanka beenta ah iyo geed sare waabka aan ka turjumayn baahida dhabta ah ee muwaadiniinta ku hoos silcaysa maamuulka Xukuumadda.