Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta S/Land Oo Bulshadda Ugu Baaqay Kor Qaadida Ka Hortaga Cudurada Xiliga Roobka Ay Gud-Biyaan Cayayaanku

Hargaysa, April 7, 2014 (Haatuf) - Guddoomiyaha Guddida Dhakhaatiirta Somaliland ee (Somaliland Medical Association Press Release On World Health Day) Dr. Cabdirashid Xaashi Cabdi ayaa bulshadda dalka ugu baaqay inay ka feejignaadaan cudurada xiliga roobka ay gudbiyaan Cayayaanku, kaas oo shacbiga kula taliyey inay ka digtoonaadaan guud ahaan waxkasta oo keena cudurada Duumada, Dengaha iyo dhamaan cudurada dhasha fayo-dhowr xumada.

Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray ururka dhakhaatiirta Somalialnd, kaas oo uu ku saxeexnaa guddoomiyahooda Dr C/rashiid Xaashi isla markaana uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey xafiiska wargeyska Haatuf. ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

 “Maalinta bari oo ku beegan 7da April, 2014, oo ah xuska maalinta Caafimaadka Adduunka, sanadkana halku dhigiisu yahay ka foojignaanta cudurada ay keenaan Cayeyaanku waxa uu ururka takhaatiirta Somaliland u jeedinayaa bulshada reer Somaliland inay kor u qaadaan ka hortagga cudurrada  ay gudbiyaan cayayaanku.

Waxa loo baahanyahay inay bulshada reer Somaliland fahamto sababta ahmiyad weyn loo siinayo inay dadku ka foojignaadaan cudurada sida Duumada, Dengaha, kuwa ka dhasha nadaafad ama fayo-dhowr xumada.

Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado in xilli roobaadkii uu bilaabmay taasina ay u baahan tahay in qashinka iyo biyaha aan cabbidooda ay caafimaad darro weyni ka dhalan karto oo si weyn nadaafadda looga shaqeeyo.

Cudurada ay gudbiyaan cayayaanku waxa ay ka yihiin 17% dunida cudurada faafa oo dhan marka la isku daro dhibaatadooda. Cudurka Duumadu waxa sannadkii 2012 dunida u dhintay 627,000 oo qof.

Nasiib wanaag cudurradan aynu soo sheegnay waa laga hortagi karaa badankooda, waxana ay dhibta ugu badan u geystaan dadka saboolka ah ee dunida ee ku nool dhulka cimiladiisu ay sida waddankeena oo kale tahay”.