Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

GOBANIMO

Dhacdooyin Mataano Ah, Somaliland 1981-1991-kii Iyo Liibiya 1912 –1931-kii

Qore: Cismaan Saalax Faarax (Q6aad)

Buuga Gobonimo waxa uu ka mid yahay Afar buug oo uu qoray qoraaga Cismaan Saalax Faarax, waxaanu buugan Gobonimo kaga hadlayaa dhacdooyin Mataano Ah oo is shabaha kana dhacay Somaliland 1981-kii ilaa 1991-kii iyo Liibiya 1912-kii ilaa 1931-kii.

Buugan ayuu wargeyska Haatuf waxa uu idiinku soo Baahin doonaa si taxane ah. 

 

Qabsashadii Libiya Ee Talyaaniga Qarnigii 20aad

Wuxuu Graziani ku yidhi Diyoo Dishti, waar waan ogahay inaad isku dayday inaad la heshiiso Cumar Mukhtar. Anigu waxaa kama helo waxaan doonayaa in la cidhib tiro ma garatay.

Waayo waxaynu ka nabad gelaynaa dhibaatadooda sidaa ayuu ku soo gabagebeeyey General Graziani.

Haddaba iyadoo weli ay socoto xafladdii soo dhaweynta ayaa waxa Graziani la tusay oo loo tilmaamay nin ku sugnaa xafladda oo la odhan jiray Shaarif al-Qaryaani.

Waxa hoos loogu sheegay in ninkan iyo Cumar Mukhtar ay saaxiib ay ahaayeen berrigii ay yaraayeen waxna ka qaban karo inuu ina dhex dhexaadiyo innaga iyo Cumar Mukhtar.  Dabeedna Graziani wuxuu yidhi bal u yeedha ninkan aad sheegaysaan. Isla goobtii ayaa loogu yeedhay. Way isu warameen Graziani wuxuu weydiiyey ninkan ma noo soo gacan gelinaysaa dabeed Shaarifkii wuxuu yidhi waar aan wax kuu sheego ninkani waa nin adag sahal looguma tegi karo. Markaa waan isku dayi inaan arrinta wax ka galo wuxuu Graziani ku jawaabay dee iska orod haddaa annagaa arrimahayaga maamulane.

Waxaa haddaba dhacday iyadoo goobtii la joogo ayaa waxa si kedisa u soo galay xafladdii soo dhaweynta General Graziani nin ciidamada ka tirsan oo ah laba xidigle Jenery isagoo sida farriin degdeg ah oo ku socota General Graziani.

Sarkaalkani wuxuu u dhiibay warqaddii Graziani wuxuu ku yidhi Graziani waar maad warqadda horta iga deysid niman masuuliin ah oo ciidamada oo marti ii ah baan la joogaa. Wuxuu sarkaalkii ku yidhi waa warqad degdeg ah dabeedna wuxuu ku yidhi Graziani madaxdii ciidamada ee uu la joogay. Waar bal raali iga ahaada oo wax yar isuga  intaan warqadda eegayo, dabeed warqaddii ayuu furay mise waxaa ku qoran ciidamadii talyaaniga waxaa Cumar Mukhtar ka dilay 20 dhimasho ah iyo 50 dhaawaca.

Dabeedna intuu cadho jiq yidhi Graziani oo isbedel ku dhacay ayaa wuxuu ku jeestay saraakiishii ciidamada wuxuuna ku yidhi waar maxaa beenta iigu sheegaysaan ee u lahaydeen dhibi ma jirto. Haa waa meel la hantiyey oo badawdu hantiday oo ay maalinba ciidamada talyaaniga laynayaan ma dhici karto waar ina keena haddaa tihiin madaxdii ciidamada waar waa inaa talaabo adag qaadaan dabeedna wuxuu la tegay meel xafiisa. Wuxuu kala daalay madaxdii ciidamada cannaan iyo caga juglayn. Isagoo leh ma aqbali karo sidan wax u dhaceen, waxaan idiin sheegayaa waa in la cidhib tiraa jabhaddan oo dhegta dhiiga loo daraa. Colonel Tomali waxaan kuu sheegayaa waa inaad qaadataa quwad millateri oo xoog badan oo aad waxyeelo badan gaadhsiisaa ciidanka Cumar Mukhtar. Wuxuu ku daray badawdu intay saddex bilood dagaalamaan, ayey tuulooyinka ku joogaan saddex bilood kale nabad. Sarkaal Tomali ma jirto nabad lagu fadhiyayaa, arlada waar ma garatay magaalo ama tuulo nabad lagu fadhiyayaa yey dhicin.

Haddaba baal aan eegno sidii tomali  oo ahaa sarkaalkii sida ba,an loo soo cannaantay, lana soo siiyey amarka aad u adag iyo dardaaranka aanay haba yaraatee ku jirin wax naxariisi.  Gumaadkii uu sameeyey Colonel Tomali aan milicsanno, adigoo akhristaha  qaderrinta iga mudanow ogaanaya ,sida gumaysiga  iyo keligii taliyihii, Siyaad Barre sida ay ciidamadiisu yeeli jireen ka arkaaya muuqaaladan oo kale. Darreena aad ka qaadanaysid qaabka  iyo meelaha ay iskaga mid ahaayeen gumaysiga iyo  maamulkii keligii taliyihii Siyaad Barre.

Markii uu dhameeyey warbixintii iyo amarradii kululaa iyo dardaarankii Graziani uu siinayey hogaamiyaasha ciidamada ayaa , waxaa soo duulay ciidankii oo uu hagaaminayey colonel Tomali .Waxay ku soo duuleen dhulkii uu deganaa Cumar Mukhtar iyo shacabkiisu  haddaba muuqaalkani wuxuu ku tusayaa.