Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Nin Darbi Jiif Ah Oo Helay $37,000 Markii Uu Jabay Mashiinada Lacagta Lagala Baxo

Nin darbi jiif ah ayaa gacanta ku dhigey $37,000 doolar oo cash ah markii uu jabay mashiinada lacagta lagala baxo ee loo yaqaan ATM.

Sarkaal bileys oo layidhaah Todd Bernard  ee gobolka Portland  waa dalkaasi Maraykanka,ayaa u sheegay saxaafada,in markii hore loo yeedhay bileyska loona sheegay inaanu  shaqaynaynin ATM ka.

“waxaa nala soo Hadley  nin darbi jiif ah kaasoo jiifey bangiga dibadiisa. Kadibna waanala soo wacay markale waxaana naloo sheegay in uu ninkaasi qaatey lacag badan waqti hore oo uu kala baxay ATMka,” ayuu yidhi Bernard .

Markii uu bileyska soo gaadhey goobtii,waxay heleen ninkii oo bac weyn sita kana buuxaan lacag cash ah oo uu kala soo baxay ATM ka. Bileyska ayaa sheegay inuu ninkaasi gacanta ku dhigey waxka badan $37,000 oo cash ah markii ay soo gaadheen goobta.

Bernard ayaa sheegay in ninkaasi uu lahaa card ku jira $100 oo kaliya. Wuxuuna ku isticmaalayey mashiinka  isagoo markastaba lasoo baxayey $700.

Saraakiishii bileyska ayaa lacagtii u gacan geliyey bangigii.