Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Real Madrid Oo Lacag Badan Ku Doonaysa Coutinho Iyo Suarez

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay inay weerar ciyaartoy doonis ah ku qaadayso kooxda Liverpool, taas oo ay ka doonayso labada ciyaartoy Coutinho iyo Suarez.

Telefishinka La Sexta ayaa baahiyay warar sheegaya in kooxda Real Madrid ay qorshaynayso inay lacag dhan 66 Milyan Oo Ginni kula soo wareegto Philppe Coutinho iyo Luis Suarez.

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay in qorshahan ay bilowday iyadoo maanka ku haysa suurtogalnimada in Liverpool ay diido dalabkaas, iyadoo sidoo kalena og hadda ka hor ay Fernando Torres fasaxday markii ay Chelsea 50 milyan oo gini bixisay.

Tababare Brendan Rodgers ayaa la rumaysan yahay in aanu wakhtigan diyaar u ahayn inuu fasaxo qaar ka mid ah ciyaartooyadiisa, iyadoo uu doonayo in horumarka ay kooxdaasi samaysay uu ahaado mid sii socda oo u saamaxa inay koobab ku guulaysatoLabaadan xiddig ayaa soo bandhigay qaab-ciyaareed wanaagsan oo qanciyay Carlo Ancelotti oo xiisaynaya inuu la soo wareego Suarez iyo Coutinho, wuxuna Suarez udhaaliyay dhaliyey kooxdiisa Liverpool xili-ciyaareedkan socda 29 gool wuxuna caawiye ka ahaa 12 gool, halka Coutinho uu qayb weyn ka qaatay guulaha Liverpool