Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xisbiga Ucid Oo Wasiirka Daakhiliga Ku Eedeeyey Inuu Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka S/Land U Diray Tababar Talyaaniga Loogu Qabtay Ciidanka Somalia

Dhawaaqa UCID Ayaa Ku Soo Beegmay Xili Wasiirka Ciyaaraha S/land Uu Koox Kubadda Kolayga Ah U Ogolaaday Inay Gobol Somalia Ka Tirsan Kaga Qaybgalaan Tartan Tanzania Ka Furmi-doona

Hargeysa, April 7, 2014 (Haatuf) – Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade ku eedeeyey inuu saraakiil ka tirsan ciidanka Somaliland u diray tababar ka dhacay dalka Talyaaniga oo loo qabanayey ciidanka Somalia, isla markaana arrintaasi ayey ku tilmaameen mid aan la aqbali-karin, waxaanay ka dalbadeen wasiir Warancade inuu degdeg uga warbixiyo sababta uu ciidanka Somaliland ugu diray tababarkaasi.

Sidoo kale Xisbiga UCID waxa uu naqdiyey wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, kaas oo ay ku dhaliileen inuu sifo sharciga baalmarsan u kala xagliyo madaaradda dalka, iyaga oo xusay inuu wasiirku cunaqabateeyey madaarada gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag.

Waxaanay sidaasi ku sheegeen warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Xoghayaha Waraafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi, kaas oo nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Wargeyska Haatuf, ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

“Xisbiga Ucid Marka hore waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin u direyaa Jaaliyada Somaliland Ee Magaaladda Sheffield, Dadaalka ay muujiyeen ee

Golaha Deegaanka Magaaladaasi ku Aqoonsadeen jiritaanka Qaranimada Somaliland

Waxaana ugu baaqayaa dhamaan jaaliyadaha kale ee reer Somaliland in ay talaabadan oo kale qaadaan si loo sii xoojiyo qadiyada qaranimada Somaliland loogana dhaadhiciyo dawladda UK iyo dhamaan Caalamka kaleba. Waana waajib Qaran oo saaran qof kasta oo muwaadin ah raadinta qqoonsigeena Dawladmnimo.

Waxa wax laga xumaado ah in Xukuumadeenii aanay lahayn istraajiyad iyo qorshe siyaasadeed oo cad oo lagu baadi doono Icitiraafka iyo waxa inaga maqan waxaana aynu la wada Soconaa in wasaaradii Arimaha dibbadu ay ka gaabisay wixii loo igmaday oo uu Wasiirkii ku Mashquulay safar aan ujeeddo lahayn, kana Door Biday wixii loo Igmaday Dhaqaale Raadis iyo Safaro Dalxiis oo aan macno weyn u samaynahayn Qaranka Somaliland.

Xisbiga UCID, Wuxuu aamisan yahay in loo noqdo fikraddii Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md Faysal Cali Xuseen iyo Murashaxa Jagada Madaxtinnimada dalka Somaliland Jamal Cali Xuseen ee ahayd hala isu yimaado oo halaga wada hadlo waxa inaga qaldanaa muddadaa 22-ka sano ah ee Somaliland jirtay, si loo helo nidaam ku dhisan istaraatiijiyad qaran oo lagu sugayo dhabbihii Aqoonsi Qarankan loogu heli lahaa.

Wasaarada Duulista Iyo Hawada;

Waxaa ayaan darro ah in wasiirka duulista iyo hawadu uu si jees jees ah, isla markaana kibir iyo isla weyni ka muuqato uu u yidh:-

Waxa xil naga saaran yahay oo keliya horumarinta iyo casriyeynta Madaarada Magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco waxayna ka mudan yihiin kuwa Boorama, Laascaanood iyo Ceerigabo.

Waxay taasi muujinaysaa in aan wasiirku ahayn siyaasi qaan gaadh ah oo uu weli taagan yahay qarnigii 20'aad ee qabyaaladda iyo kala qaybintu socotay.

Waxay taasi wiiqi kartaa wada jirka, wada noolaanta iyo wada lahaanshaha qarankani lagu soo hagayey intii ka horreysay Xukuumadda Axmed Siilaanyo.

Xisbiga UCID, wuxuu ka tacsiyeynayaa hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Duulista,  dadka  ka soo jeeda Gobollada Boorama, Sool Iyo Sanaag, waana nasiib darro innaga dhacday xukun xumida Xisbiga talada maanta haya, isla markaana waxa raali sidaa kaga ah Madaxweynaha talada dalka haya.

Wasaarada Armiha Gudaha;

Xisbiga UCID, wuxuuu si rasmi ah ugu sheegayaa Shacbiga in  Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancadde uu faahfaahin ka bixiyo tiro ciidamo ah (Sarakiil) oo uu si aan qarankani ogeyn ugu diray Somalia, kuwaas oo tababr la soo qaatay Ciidamo ay leedahay dowladda Federaalka Somalia iyo ujeeddada ka dambaysa, sida la wada og yahayna waxa tababarkan lagu soo bixiyey waddanka Talyaaniga, waxana lagu bixiyey magaca dowladda federaalka Somalia.

Taas oo aan waafaq sanayn nidaamka siyaasadeed ee qaranka Somaliland oo hore u diiday in aan wax la wadaagno dawlada Somalia,

Arrinta Ciidamaduna waa xasaasi marka loo eego arrimaha madaniga ah Iyo siyaaasadaba Somaliland.

Dhinaca kale dhawaaqan ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee ay eedaha ugu soo jeediyeen wasiiradda daakhiliga Cali Warancade  iyo Duulista Maxamuud Xaashi ayaa ku soo beegmay xili sida ay Haatuf u sheegeen ilo-wareedo xogogaal ahi uu Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md Cali Siciid Raygal u ogolaaday in koox Kubadda Kolayga ah oo matalaysa caasimadda dalka ee Hargeysa inay gobol Somalia ka tirsan ahaan kaga qaybgasho tartanka barriga iyo badhtamaha Afrika oo sanadkii hal mar la qabto, isla markaana dhawaan ka furmay dalka Tanzania.

Tartanka kubada gacanta ayaa sanadkii hore isagu ka dhacay dhacay Magaaladda Kampala ee xarunta wadanka Uganda, kaas oo sanadkaasna ay ka sidan oo kale wasaaradda ciyaaruhu ugu ogolaatay inay koox ka socota Hargeysa tartankaasi kaga qaybgasho gobol ka mid ah goboladii wixii la isku odhan jiray Somalia, ayaa sanadkana tartanka ka dhacaya dalka Tanzania waxa kooxda kubada kolayga ee Hargeysa matalaysa ee uu wasiir Raygal ogolaaday ku matalaya kooxo ka socda magaalooyinki Muqdisho, Garoowe iyo Baydhabo.

Wasiirka dhalinyarada ciyaaraha Somaliland Md Cali Siciid Raygal ayaa isagu mar aanu xalay isku daynay inaanu wax ka waydiino waxa ka jira kooxda kubada kolayga ah ee magaca Somalia la sheegay inay kaga qaybgalayso tartan ka furmi doona dhawaan dalka Tanzania ayey noo suurt-gali wayday inaanu khadka telefoonka ku helno ka dib markii uu telefoonkiisa gacan qaban-waayey.