Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xisbiga UCID Oo Luuqad Adag Ku Cambaareeyey Sifada Sharci-darada Ah Ee Ay Xukuumadu Kula Wareegtay Xarunta Wargeyska Haatuf

 “UCID Wuxuu Aaminsan Yahay Falkaa Lagula Wareegay Xarunta Wargeyska Haatuf Inuu Ka Dhashay Hantida Qaranka Ee La Musuq-Maasuqay Ee Uu Wargeysku Sida Muwaadinimoda Leh Tooshka Ugu Iftiimiyey”

 

Hargeysa, April 7, 2014 (Haatuf) – Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa luuqad adag ku cambaareyey sifada sharciga baalmarsan ee ay xukuumadu albaabada ugu laabtay  xarunta Wargeyska madaxabanaan ee Haatuf, taas oo ay ku tilmaameen in xukuumadu qaaday tubtii Cabudhinta iyo cago-juglaynta Warbaahinta madaxabanaan.

Xisbiga UCID waxa uu xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay inuu degdeg xayiraada uga qaado wargeyska Haatuf, waxaanay sheegeen in xukuumadu ka gubatay wararka la xidhiidha Musuqmaasuqa ay ku kaceen Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Wiilka uu Madaxwayne Siilaanyo Sodoga u yahay, fadeexadaasi oo uu wargaysku mudooyinkii u danbeeyey bulshadda u gudbinayey. Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska xisbiga oo uu ku saxeexan yahay  Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Md. Yuusuf Kayse, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-   “Ujeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan (Xarunta Wargeyska Haatuf Oo Sifo Sharci-Daro Ah Lagula Wareegay)

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid Waxaa Uu Si,aan La Soo Koobi Karin U Canbaareynayaa Falkaa Badheedhka,Awood Sheegashada,Sharci-Jabinta iyo Indhala,aanta Ah isla Markaana Markhaatiga U ah In Aan Xukuumada Maanta Talada Dalka Haysaa Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka Midna Aaney Ixtiraameyn

Iyada Oo Waliba Adeeg Saneysa Ciidamadii Loogu Tala galey In Cadawga Iyo Argagixisada Ay Ka Hortagaan

Xisbiga Ucid Wuxuu Aamin Sanyahey Falkaa Lagula Wareegay Xarunta Wargeyska Haatuf In Uu Ka Dhashey Hantida Qaranka Ee La Musuq Maasuqey Ee Uu Wargeysku Si Muwaadinimo Ah Tooshka Ugu Ifiyey Iyo Dhaliilaha Wax Lagu Toosinayo Ee Mucaaradka Oo Uu Si Fiican U Qorayey

Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Cod Dheer Ku Canbaareynayaa Falkaa Foosha Xun Ee Baal Marsan Dhamaan Shuruucda Dalka Somaliland Oo Imika Xukuumada Talada Haysaa Caadeysatey,

Sida Sharcigu Sheegayana Waxaa Xukuumada Looga Baahnaa Hadii Ay Dacwad U Qabto Wargeyska, In Wargeyska Haatuf Oo Shaqeynaya Maxkamada Looga Yeedho Isla Markaana Sidaa Dacwadoodu Ku Socoto ilaa Inta Danbi Kaga Hor Cadaanayo Maxkamad Sharciya

Sidaa Daraadeed Waan In Xukuumadu Si Deg Deg Ah Ciidamada  Uga Dulqaadaa Xarunta Wargeyska Haatuf Ee Sifaha Xaaraanta Ah Lagula Wareegay,Loona Soo Celiyaa Madax-Banaanidiisii Shaqo, Sida Ugu Dhakhsaha Badan Leh

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Waxaa Uu Uga Digayaa Xukuumada Talada Haysaa Ku Xad Gudubka Dhamaan Xoriyatul-Qawlka Iyo Ku Tumashada Xuquuqda Saxaafada Ee Soo Noq Noqtey, Tusaale Ahaan Waxaa Ilaa Maanta Sifo Lagu Haysto Aynaan Garaneyn Wargeyskii Hubaal,Sidoo Kale Waxay Xukuumadu Xidh Xidhey  Wariyayaal Gaadhaya Boqol in Ka Badan Sadexdaa Sano Ee Ay Talada Dalka Haysey,

Taas Oo Uu Xisbigu HAATAN Uu Arko Waxaan Loo Dul Qaadan Karin”.