Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Madaxwayne  Siilaanyo Oo Albaabada U Laabay Xarunta Wargeyska Haatuf Iyo Boqolaal Ciidan Aad U Qalabaysan Oo Xafiiskaas La Wareegay

 

Hargeysa, April 7, 2014 (Haatuf) – Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa galinkii dambe ee maanta albaabada u laabtay xarunti wargeyska Haatuf waxaana la wareegay boqolaal ciidamo Bileys ah oo la soo dhoobay xarunta Wargeyska iyo Agagaarkiisa.

Ciidamadaas oo uu horkacayey Kornayl Maxamed Maxamuud (Af-Nin Go’ayle) oo ah taliyaha qaybta bileyska ee gobolka Maroodi jeex ayaa soo galay gudaha xarunta Wargeyska Haatuf oo xiligaasi ay ku sugnaayeen wariyeyaasha iyo shaqaalaha wargeyska Haatuf oo ku guda jiray hawlahoodii shaqo ayaa waxa ay ciidamadaasi ku amreen inay dibada uga baxaan xafiisyada xarunta wargeyska Haatuf.

Hase yeeshee Hawlwadeenada Wargeyska Haatuf ayaa waydiiyey taliyihii ciidankaasi hogaaminayey Kornayl Maamed Maxamuud sababta ciidanku ku soo weeraray xarunta iyo inuu sito waaran maxkamadeed oo ay ku xidhi karaan Wargeyska, waxaanu tusay amar xayiraad ah iyo ruqsad kala noqosho ah oo uu ku saxeexan yahay Garsooraha Maxkamada Gobolka Hargeysa Axmed Ismaaciil Dalmar.

Intaa ka dib ayay suxufiyiintii iyo hawlwadeenadii wargeysku ay dibada uga soo baxeen xaruntii kuwaas oo aan hal shay ka qaadan qalabkii ay ku shaqaynayeen xiligaasi oo ay ku amreen in aanay shay ka qaadan.

“Anagoo ku guda jirna shaqadii wargeyska Haatuf aanu ka qaban jirnay maalin walba oo ka koobnaa guud ahaan hawlwadeenadii Wargeyska ayaa waxa mar kaliya abaaro 4:20 daqiiqo noogu soo galay boqolaal ciidamo bileys ah oo uu watay Kornayl Maxamed Maxamuud, waxaanay nagu wargaliyeen inaanu xarunta ka dareerno oo ay ciidanku la wareegeen.

Waxaanu waydiinay taliyihii ciidanka watay inay sitaan wax waaran Maxkamadeed oo lagu xidhi karo xarunta Wargeyska Haatuf, waxaanu na tusay Kornaylku warqad xayiraad iyo ruqsad kala noqosho ah oo uu ku saxeexan yahay Qarsooraha Maxkamada Gobolka Hargeysa, Axmed Ismaaciil Dalmar, taas oo lagu sheegay in wargeyska Haatuf uu aflagaado iyo been abuur ku sameeyey wasiiro iyo xildhibaano aan lagu kala cadayn kuwa ay yihiin”. Sidaasi waxa yidhi Wariyeyaashii Xarunta ku sugnaa ee xiligaasi shaqada laga soo dareeriyey.

Dhacdadani waxay ka turjumaysaa sida loogu tumanayo shuruucdii dalka, distoorkii qaranka ee jideeyay madaxbanaanida saxaafada madaxbanaan, xukuumada ayaana arrinkan wargeyska Haatuf lagu xayiray wadatay oo garsoore maxkamada gobolka ka tirsan ka soo sexeexatay waaranka.

dhinaca kale waxaynu ogayn xariyaada wargeyskii Hubaale ee hore xukuumadu xariyaada u saartay, xeerla saxaafada ee dhaqan gal ah waxa iyo distoorka qaranku waxa uu damaanad qaaday inaan saxaafada layska xidhi Karin iyo hawlwadeenada suxufiga, balse ciddii ama masuulkii wax ka tirsadaa dacwad maxkamada ka furto. Waxaana la yaab leh galabta ciidamo bilayska ah oo ilaa laba boqol oo askari ah oo hubaysani ay la wareegeen xaruntii wargeyka, waana talaabo xadgudub ah, isla markaana ka horimanaysa sharciga dalka oo indho la’aan ah