Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Ururka Suxufiyiinta S/land Ee SOLJA Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Xayiraada Xukuumaddu Ku Inqilaabtay Xaruntii Wargeyska Madaxbanaan Ee Haatuf

“Muslin Kuma Cabiidsamo Walloon Madaxa Kaa Goyne Muggii Weel Ma Dhaafee Allow Mooska Yaan Jabinin, Xukuumadda Waxaan Usoo Jeedinayaa Dariiqan Ay Qaadday Inuu Yahay Mid Cawaaqib Oo Aan Cidna U Fiicnayn”Xasan Maxamed Yuusuf

 

Hargeysa, April 7, 2014  (Haatuf) - Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf ayaa Sharci daro ku tilmaamay xayiraada xukuumadu ay ku inqilaabtay xaruntii guud ee Wargeyska madaxabanaan ee Haatur, kaas oo si wayn u cambaareeyey Talaabadaas ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Hilfaha ugu laabtay xaruntii Wargeyska Haatuf.

Sidoo kale Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed  Yuusuf  waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta ka soo saaray magaaladda Hargeysa, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-  “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) wuxuu si adag u cambaaraynayaa falka foosha xun ee xukumadu kula kacday islamarkaana kula wareegtay guudahaan xaruntii wargayska madaxa bannaan ee HAATUF iyo SOMALILAND TIMES.

Waxa muuqanaysa in xukuumaddani caadaysatay wax aan dalka hore uga jiri jirin oo waliba soo noqnoqonaya, taas oo ah in ka badan laba urur oo ciidana dulgayso xarumaha warbaahinta iyadoo sharciga waddanka u  yaalla ku tumanaysa, tusaale cadna  waxa u noqonaysa falkii HCTV iyo kii HUBAAL iyo kan hadda kula kacday HAATUF MEDIA GROUP kuwaasoo ay dhammaanba kulawareegtay xarummohoodii.

Waxaa halkaa ka muuqanaysa in fallalkani yihiin qorshayaal ku talagal ah oo ay xukumaddu go’aansatay inay kula dhaqanto saxaafadda iyo xorriyatul qawlka,  Sidaa darted waxaannu xukuumadda u sheegaynaa in aannu si adag uga soo hor jeedno dhaqankan cabudhinta iyo xoog sheegashada ah ee ay saxaafadda kula kacayso,  oo ay ka fikirto saamaynta ay arrimaha noocan ahi ku yeelan karaan dalka iyo dadkaba, Muslin kuma cabiidsamo Walloon madaxa kaa goyne Muggii weel ma dhaafee allow mooska yaan jabinin Xukuumadda waxaan usoo jeedinayaa dariiqan ay qaadday inuu yahay mid cawaaqib oo aan cidna u fiicnayn, sidaa awgeed waxaannu kula talinaynaa inay ka noqoto arrinta oo ay dalka sharciga ku hagto”.