Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 7 2014                                             Jamadi Al Thani 7,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Bulshadda Caasimada Oo Dareen Cadho Leh Ka Muujiyay Talaabada Ay Xukuumada Siilanyo Kula Wareegtay Xarunta Haatuf

Hargeysa April 7, 2014 (Haatuf) – Shacbiga reer Hargeysa iyo guud ahaanba dadweynaha Somaliland eek u dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka iyo waliba daafaha dunida ayaa dareemo cadho leh ka muujiyay talaabada ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo maanta galinkii dambe  ay albaabada ugu laabtay xaruntii wargeyska madaxabanaan ee Haatuf ee magaalada Hargeyska, kaas oo ay ciidamo Bilays ah oo tiradoodu gaadhayso boqolaal ay la wareegeen xaruntii wargeska.

Dadweynaha ayaa talaabadan ku tilmaamay mid gef iyo meel ka dhac ku xoriyatul qawlka iyo madaxbanaanida saxaafada madaxa banaan.

Guuleed Kayse Axmed oo aragtiisa aan wax ka waydiinay dhacdadaasi ayaa waxa yidhi talaabo ay xukumadu kula kacday wergayska Madax banaan ee Haatuf waa Mid ka mid ah talaabooyinkii Rajiimkii Siyaad Barre ku kici jiray.waxaana loo arkaa in xukuumada Siilaanyo ay cagta saartay dhabihii nidaamkii taliskii fashaqa ku caanbaxday ee aakhirkii burburkii Somalia keenay”

Cabdi cali Maxamuud oo isaguna ka mid ah waxgaradka reer Hargeysa ayaa waxa uu yidhi ”Dhacdadani waa mid shacbi shacbiga Somaliland iyo xoriyatul qawlka lagula kacay waana mid xukuumada siilaanyo cimrigeeda soo gaabinaysa, wixii imika ka dambeeyana shacbiga Somaliland waxa la gudboon kacdoon ay kaga horyimaadaan ficilada maamulkan Siilaanyo ku dhaqmayo oo burbur ku keeni kara jiritaanka Qaranka”.

Cumar Axmed Cali ayaa isaguna waxa uu yidhi “Xukuumada Siilaanyo ceebteed maaha waa caadadeed, in xarumaha wargeyada madaxabanaan ay la wareegto xukuumadu oo siday doonaan u xayiraan.

Wixii imika ka dambeeya madaxtooyada ayuu dabku gaadhi doonaa, wax soconayana maaha car juuq dheh iyo q2ori caaradii”

Dhacdadan ayaa guud ahaanba bulshada reer Somaliland ay dareemo sas leh iyo cadho weyn ka  muujiyeen.