Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 8 2014                                             Jamadi Al Thani 8,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wiil Ay Raad-Caynayaan Bileyska Ingiriisku Oo Uu Dhalay Maalqabeen Yemeni Ahi Oo La Sheegay In Lagu Qarinayo Somaliland

Hargeysa, April 8, 2014 (Haatuf) - Wiil uu dhalay maalqabeenka caanka ah ee dalka Yemen Shaher Cabdul Xaq ayaa la sheegay in lagu qarinayo Somaliland .Wiilkan oo magaciisa la yidhaahdo Faaruuq Shaher Cabdul Xaq ayaa waxa raadcaynaya bileyska dalka Ingiriiska iyadoo loo haysto dilka gabadh u dhalatay dalka Norway oo maydkeeda laga helay meel ku dhaw guri uu Faaruuq magaalada London ka degenaa markay taariikhdu ahayd 16/3/2008.Gabadhan oo magaceeda la yidhaahdo Martine Vik-Magnussen ayaa waxa dadka ugu dambaysay abaaro labadii iyo saddexdii subaxnimo dhexdood 14/3/2008 iyadoo goor xiligaas ah ka baxday Night-Club iyadoo la socota nin dhalinyaro ah oo muuqaal Carbeed lahaa.

Baadhitaan kadib bileysku waxay dilkii gabadhaa ku soo eedeeyeen Faaruuq Cabdul Xaq kaas oo 14/3/2008 u duulay magaalada Qaahira halkaasna ay diyaarad Jet ah oo aabihii leeyahay ka qaaday ilaa Sanca.

Hadaba ninka wiilkan dhalay ee Shaher Cabdul Xaq ayaa 20/12/2013 waxa Wasiirka Macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale u saxeexay ruqsad u fasaxaysa inuu shidaal ka baadho kana soo saaro dhul ku yaala bariga Somaliland oo lagu magacaabo Block 19, Block 14 iyo Block 7 qayb ka mid ah.

Faaruuq Cabdul Xaq joogistiisa Somaliland markii ugu horaysay ee la maqlay waxay ahayd bishii January 2014.

Hase yeeshee waxa hada isa-soo-taraya raadadka tilmaamaya inuu wali halkan ku sugan yahay oo cid reer Somaliland ahi ku qarinayso kuna ilaalinayso.

Dhinaca kale looyarada shirkada East African Resource Group oo ka mid ah shirkadaha heshiisyada shidaal baadhista ah kula jira xukuumada Somaliland ayaa qoraalo ay wasiirka macdanta usoo direen ku sheegay inay maxkamada ka furan doonaan dacwad ka dhan ah wasiirka iyo xukuumada Somaliland hadii loo soo celin waayo dhul shirkadooda hore loo siiyey (block 19, block 14 iyo block 7 qayb ka mid ah) balse uu wasiirku ka iibiyey shirkada Ansan Wikfs ee uu leeyahay Shaher Cabdul Xaq.