Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 8 2014                                             Jamadi Al Thani 8,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Guddoomiyaha Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo Ka Hadlay Sababaha Keenay Xadhiga Wargeysyadaasi

“Waxay Ka Gubanayaan Maqaalo Aanu Ka Qornay Arrimo Musuqmaasuq Oo Hadheeyey Heshiisyada Shidaal Baadhista Iyo Inan Yar Oo Madaxweynuhu Sodog U Yahay Oo Awoodo Dawladeed Ku Tagrifalaya” Yuusuf Cabdi Gaboobe

Hargeysa, April 9, 2014 (Haatuf) – Guddoomiyaha Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in xayiraada ay Saartay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Wargeysyadaasi ay ka dambaysay kadib markii ay xukuumada ka qoreen maqaalo la xidhiidha musuqmaasuq hadheeyey heshiisyada shidaal baadhista ee ay la gasho shirkadaha shidaal baadhista.

Mr Gaboobe waxa kale oo uu tilmaamay in xayiraadan ay sababtay kadib markii ay baahiyeen ku tagri fal awooda xukuumada ah oo uu ku kaco wiil uu sodog u yahay Madaxweyne Siilaanyo, kaas oo dhawaan tuuladiisa geeyey sagaal wasiir si ay uga fuliyaan mashaariic.

Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay u waramayey laanta Afka Soomaaliga ee idaacada BBC– da, kaas oo ugu horayn ka hadlaya sababta keentay xayiraada Wargeyska iyo waxa uu ka og yahay ayaa waxa uu yidhi “Walaahi si hagaagsan uma garanayno, balse waxa naloo sheegay aflagaado dad wasiiro ah iyo dad xildhibaano ah.

Afkaa lanoogu sheegay, taa ay ka hadlayaan anagu ma garanayno, waxaanu ognahay oo ay ka gubanayaan Maqaalo aanu dhawaan ka qornay arrimo musuqmaasuq oo hadheeyey shidaal baadhista iyo heshiisyada ay xukuumadda Somaliland la gasho shirkadaha shidaal baadhista iyo Inan yar oo madaxtooyada jooga oo meel uu dawlada kaga qoran yahay jirinoo oo aan xukuumadda ku jirin.”

Gudoomiyaha Haatuf mar la waydiiyey in maqaalada ay qoreen ay yihiin wax ay baadheen oo ay cadayn iyo documentiyo ay u hayaan ama se ay ku degdegeen, ayaa waxa uu kaga jawaabay “Waa arrimo aanu aad u baadhnay oo si xirfadaysan oo sida saxaafada aduunka aanu u baadhnay Matalan tan shidaalada aanu dadka ay khusayso waraysiyo ka qaadnay.

Wasiirka laftiisu muu inkirin ee wuu qirtay mar ay qolo suxufiyiin ah oo ka socota guddida anshaxa, Matalan in dacwadi ay ku socoto oo shirkad shidaalka loo siiyey ruqsadi ay soo dacweysay oo looyaradeedii ay la soo xidhiidheen wasiirka kuna dacwaysay in meel iyaga hore loogu saxeexay la siiyey shirkad kale, labada shirkadood dadka leh meelaha ay kala degan yihiin magaca loyaradooda waxaas oo dhami wargeyska ayay ku yaalaan oo dhamaantood aanu u hayno cadaymo.

Waxa ka kale oo ka mid ah wiil uu Madaxweynuhu sodog u yahay oo awoodo farabadan oo awoodo dawladeed ah ku tagrifalaya oo maalin dhaweyd tuuladiisii sagaal wasiir halkaa geeyey isagoo mashaariic waday ayaanu wax ka qornay, waana arinta aadka looga sii gubtay ee xayiraada keentay.

Maaha markii u horaysay balse tani waa sanadguuradii 7aad yacnii todoba sanadood ka hor ayaa xabsiga naloo taxaabay oo saddex aan ka mid ahaa oo masuuliyiintii wargeyska ahaa saddex bilood ayaanu ku jirnay jeelka Mandheera, waxaanu xusaynay imika sanadguuradii todobaad ee markii lana soo daayey.

Waxa weeyi anagu waxa aanu nahay wargeys qadiimi ah oo mudo soo jiray raga ka wada shaqeeyaana waa rag wada professional ah.

Hadii wax nalagu haysto maxkamad caadi ah ayaa lana keeni lahaa oo lanagu cadayn lahaayoo kiiska aanu yeelano ayaa lanagu qaadi lahaa. Arintana waa suuq madow sharci hagaagsan lanooma soo tiigsan xaruntii waa la iska xidhay waana cabudhin cadaan ah oo ku cusub saxaafada waxa aynu ogayn wargeyskii Hubaal oo isagana la xayiray.

Waligeed tani Somaliland kamay dhicin in wargeys la iska xayiro.

Barigaa 2007 anaga ayaa nala xidhay ee wargeyska lama xidhin oo wuu shaqaynayey balse hada waxa la bartay in wargeyska la xidho oo la yidhaahdo maxay ku dagaalami oo ay isku difaaci”.