Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 9 2014                                             Jamadi Al Thani 9,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Garsoorka Somalilandnow Wajigaagii Waa Kaa

A / Kayse Cali

Xukuumadii Axmed Siilaanyo intay kiis u macmalka Haatuf ku soo jeeday ayay garsoorkii dalka qiimo tirtay. Oo ay god madow ku riday.

Garsoorku wuxuu qaadi jiray gar macno leh oo shardiga koowaad yahay cid wax laga galay iyo cid wax laga tirsanayaaba ay jirto.

Dacwad sidaas ayaa loo yaqaanay waxaana loo mari jiray nidaam marag, markhaati iyo iska rogid-ba leh oo dood iyo daadafaynba wax la iskaga dhiciyo sidaasaana go’aan maxkamadeed lagu heli jiray.

Laakiin guuldarada dhacday waxa weeyi afar nin oo isku dhinac ah oo kala ah Garsoore, Dambibaadhe, Xeer-ilaaliye iyo Markhaati ayuunbaa soo saaray go’aanka lagu xayirayo Haatuf iyadoon la ogaysiin cidina ka joogin, oo ilaa imikadaa aanay jirin dacwad la soo oogay oo nuqulkeedii Haatuf loo keenay.

Way dhici jirtay in xukuumad iyo wargeys wax kala tirsadaan oo waxaan xeerba galin oo siyaasad ah isku seegaan.

Laakiin nasiibdaro ka weyni ma jirto inuu garsoorkii dalku galo maalaayacni-nimada ilaa xadkan leh oo tiqadii iyo aaminkii kaga tago xukun qarqooshkan Haatuf lagu xidhay kiis aanay kaba war hayn oon la ogaysiin.

Sumcad xumadaa garsoorka ku dhacday maaha mid xukuumada iyo wiilka la xididka ahi toona uu soo celin karayo ee waa mid cawaaqib xumadeeda la arki doono hadii aanu shacbigani ka dhiidhiyin oo intay goori goor tahay iska qaban xukunkan fashilmay ee garsoorkii iyo xukuumadii isku bahaysteen dulmiga muwaadinka.