Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 9 2014                                             Jamadi Al Thani 9,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Haatufka Maanta

Ninawna ha u fadhiyin Siiraanyo wuu fayow yahay. Haduu tamarinayo ninkani muu ogolaadeen waxan hortiisa laga samaynayo ee waliba awoodii uu ku magacawnaa uu qoyskiisu ku tagri-falayo.

Waar Siiraanyo wuxuu ahaan jiray nin farsamo xumida iyo musuqmaasaqa u il-dheer oo meelfog ka garta oo waa kii markuu mucaaridka ahaa xataa la yaabi jiray kaabadaha madaxtooyada horteeda nabadgalyo ahaan loo dhigdhigo imikana madaxtooyadaa iska daayoo waxaad moodaa inuu yidhi magaaladoo dhanba ku wareejiya kaabado.

Siiraanyahaynu afku-xoogle u naqaanay ee aynu ogayn afar sanadood shir jaraa’id oo toban wariye wax ku waydiiyaan muu qaban.

Iyadoo afartaas sanadoodba xil qarsiimo lagu jiray waxa aan asturayn oo imika xaaladiisa kashifaysa markay dad kuwii ugu dhawaa ee xubnaha qoyskiisu ay awoodii dawladeed ku tagri-falaan oo ay yidhahdaan dukaamada dadka noo soo xidhxidha ee ay wasiiradii iyo dawladii dhamayd tidhaahdo inanka inanta qaba ayaanu u damqanaynaa oo arki mayno xeerarkii dalka u yaalay.

Walee waynu jiridd adagnahay kol hadaynu ku soo jirnay afar sano oo bilaa madaxweyne ah ee bal sanadka u hadhay yaa islaamoo caa’iladiisan ka qabta meheradaha xaqunaas ee ay kolba albaabada u xidhayaan intay isleeyihiin difaaca xidid-ku-xoolowgan yar ee Xamar iyo Hargeysa iskaga dab-qaadaya. Adeer Hadii kale oo sharciga la isku soo dhaafo meherad la baabiiyaa waxay yeelan doontaa meherad la baabiiyo.