Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 9 2014                                             Jamadi Al Thani 9,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Wasiirka Macdanta Oo Wasiiradii Ka Horeeyey iyo Haatuf-ba Ka Been-Sheegay

Berbera, April 10, 2014 (Haatuf) - Shirkii jaraa’id ee uu arbacadii qabtay wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun), wuxuu si badheedh ah uga been sheegay wasiiradii isaga ka horeeyey ee wasaaradda soo maray, markuu yidhi waxaan ahay wasiirkii u horeeyey ee lacag xaqul-qalin ah ku soo xareeya wasaaradda maaliyadda.

Wasiirku markii uu intaas yidhi ayaa wuxuu ku ladhay in isaga malihiisa ay jirtay mar lacag $100,000 ah dawladda loo soo xareeyey intii isaga ka horaysay. Mr Ducaale shirkan jaraa’id wuxuu qabtay saddex maalmood ka dib markii ay xukuumadda Siilaanyo albaabada u xidhay wargeyska madaxabanaan ee Haatuf iyo mataankiisa afka Ingiriisiga ku soo baxa ee SomalilandTimes, waxaanu kaga hadlay dhaqaale uu qoray wargeyska la xidhay ee Haatuf oo ay ku soo bandhigeen musuqmaasuq uu wasiirku ku lug-leeyahay iyo dacwad kaga socota dhinaca shirkadda East Africa Resource Group.

Hase yeeshee waxa uu wargeyskani xaqiijinayaa in intii aanu Mr Ducaale qaban xilka wasiirka macdanta ay wasaaradda wasiiro kaga horeeyey soo xareeyeen lacag ku dhawdhaw Laba Milyan oo Doollar oo xaqul-qalin ahaan (Signature Bonus) looga qaaday dhawr shirkadood oo dalwadu heshiisyo shidaal baadhis ah la gashay, kuwaas oo kala ah Nova Energy, Ophir iyo Motherland Home iyada oo raadkii lacagtaasi laga heli karo xarunta baanka dhexe ee Somaliland  oo lagu xareeyey markii shirkadahaa laga soo qaaday.

Wasiirka oo mudo dhawr bilood ah ka war-wareegayey inay Haatuf waraysato ayaa waxa caado u ah in uu iibsado war xaysiis ah (Advertisement News), waxaanu inta badan u yeedhaa TV-ga xukuumadda iyo HCTV mana jirto wax su’aalo ah oo la waydiiyaa balse isaga uun baa madasha ka hadla, taas oo aan lagu tilmaami Karin shirjaraa’id.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu soo xareeyey lacag xaqul-qalin ah oo gaadhaysa 3,370,000 (saddex malyan iyo saddex boqol iyo todobaatan kun oo doollar) afartii sanadood ee uu xilka hayey laakiin meelna kumuu beenin xogtii Haatuf soo bandhigtay ee ahayd inuu lacag dheeraad ah ka qaatay shirkadahaas si uu hoos ugu dhigo xadiga lacagta ay dawladu xaqul-qalin ahaan ay u qaadaysay.

Tusaale ahaan waxa halka Block marka la bixinayo laga qaadaa ugu yaraan lix malyan oo doollar halka uu wasiirku $1,800,000 (Hal-malyan iyo sadeed boqol oo kun oo doollar) ka qaaday shirkadda Ansan Wikss ee uu leeyahay maalqabeenka Yemeniga ah ee saddexda Block uu wasiirku u saxeexay.

Wasiirku wuxuu sheegay in lacagta xaqul-qalinka uu ku wareejiyo wasaaradda maaliyadda iyadoo isku duuban oon shilina laga qaadanin. Wasiirku markay taariikhdu ahayd 20-kii December 2013-kii ayuu fagaare ka sheegay in shirkadda Ansan Wikss ay bixisay xaqul-qalin ah $1.8 Milyan.

Hadaba maalintii uu wasiirku u soo amba-baxayey Sheffield ayuu mid ka mid ah suxufiyiinta Somaliland u qirtay in $800,000  kaliya uu ku wareejiyey wasaaradda maaliyadda balse halkii milyan ee baaqiga ahaa uu isagu hayo uguna talo-galay in halkaa malyan ku baxo wacyi-galinta iyo odayaasha deegaanka laga baadhi doono shidaalka.

Wasiirku waxa kale oo uu suxufigaasi u qirtay inay jirto dacwad ay ku soo oogtay shirkad ka mid ah kuwa shidaalka baadha.

Markii uu suxufigaasi waydiiyey  wasiirka sababta uu Haatuf  uga cabanayo kol hadii uu qirtay labadii arrimood ee uu wargeysku baahiyey ee kala ahaa halka milyan ee aan maaliyada lagu wareejinin iyo dacwada ay shirkadu wasiirka u haysatay, waxa uu ku jawaabay in wax ka sheegista labadaas arrimood ay waxyeelo ku tahay qaranka.

 

La Soco….