Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 9 2014                                             Jamadi Al Thani 9,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Aamina Waris Oo $800,000 U Celisay dadkii lahaa dhaxalka Fooqii Marxuum Cali Jirde

Berbera, April 10, 2014 (Haatuf) - Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Waris) oo ah afada Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa dad ay xaga aabo ka walaalo yihiin oo iskugu jira rag iyo dumar u celisay lacag dhan $800,000, taas oo ah lacagtii lagu qiimeeyey guri fooq ah oo adeerkood Cali Jirde ku lahaa magaaladda Hargeysa, kaas oo ay dadkaasi dhaxal ahaan u yeelanayeen.

Lama garanayo halkay Aamina Waris ka keentay lacagta intaas leeg iyo sababta ay u doonayso inay fooqaa ula wareegto hadii aanay ahayn lacag la may-dhayo (Money Laundering).