Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 13 2014                                             Jamadi Al Thani 13,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xildhibanka Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Burco Lagu Tooriyeeyay iyo Badhasaabka Togdheer Oo Ka Hadlay

Burco, April 12, 2014 (Haatuf) - Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta lagu tooriyeeyay magaalada Burco waxaana la sheegay in xildhibaanka uu soo gaadhay dhaawac halis ah oo ay sababtay toorayda oo meelo kala duwan oo halbowle ah kaga dhacday.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo  u waramay qaar ka mid ah warbaahinta dalka ayaa sheegay in ninka Xildhibaanka tooriyeeyay ay qaraabo yihiin xildhibaanka kaas oo ciidamada Bileysku ay raadinayaan eedaysanaha falkaasi xildhibaanka u geystay.

Maxamed Muuse Diiriye, badhasaabka Togdheer ayaa inaa ku daray in Xildhibaanka ay ku dhaceen shan tooriyood  isla markaana imika lagu daweynayo Cusbitaalka guud ee magaalada Burco iyadoo uu sheegay in xaaladiisu aaanay imika naf ka eeg ahayn balse uu dhaawac weyn qabo.

Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, ayaa la sheegay in ninku toorayda ku weeraray maanta markii uu salaadii duhur ka soo baxay masaajid ku yaala badhtamaha suuqa weyne ee Burco.

Lama oga sababta keentay in Xildhibaanka lagu weeraro Toori iyadoo aan walina la soo qaban ninka falkaa geystay.