Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 13 2014                                             Jamadi Al Thani 13,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Waji-Xun Iyo Morgan Faruur Faduusha U Geysay Haatuf Way Ka Shanleyn Doonaan!!!!!

Waxaan aad ula yaabey dariiqan aynu cagta saarney ee waliba dadkii ay arkayaan waxa socda,ee ay Somaliland mareyso meel inta ciidan la amro xoolo dad leeyihiin albaabka loo xidho ee odeygii madax weynaha ahaa uu yidhi xidha haatuf tani waa wax laga yaabo WAA MA XISHIITO IYO DHASHEEDII.

Waxaan leeyahay tii Siyaad bare tanoo kale may dhicin.

Qabyaaladan ummaddii hadheysay reerkan dhan ee soo dareerey bal u fiirso laba nin oo ilmaadeera oo Waji Xun iyo Morgan Faruur ay leeyhiin HAATUF baa naceydee ha naloo xidho ee albaabadda loo laabey.

Waxaan cod dheer iduunku sheegaya MEESHU MAAHA YIROOWE EE WAA HARGEISA KANA WAA GABOOBE OO WAA HALYEYGII SNM,HARGEISANA WAA DADKII ABUUREY.

WAY ARKI HADAAN DEGDEG LOO FURIN INTEY XIDHNEYDNA KHARASHKEEDA LA BIXIN.

Ina warancadena waa la og yahay inuu WARAABE U TAAG YAHAY,Guulwadaha Nacnac waxaan leeyahay adeer toobadda ha seegin sideetan jir ayaad guulwade,caado qaata aad tahay oo dhiigii caruurta ayaad cabeysa,xishood oo beenta nuux ismail how sheegin Nuux Ismail 20 wasiir waxba uma sheegan ee sharaf iyo xoriyad ayaa wax u sheega.

Waxaan leeyahay DHACDADDA HAATUF WAXAY LA MID TAHAY TII UFO LAGU SAMEEYEY EE KACDOONKII DHAGAX TUUR KA DHACAY 22/02/1982.

Maanta waxaa xaqiiqo ah in xukuumadda siraanyo ay cagta saartey dhabahii faqashta ee siyaad bare waliba ay ka sii daran tahay.

Bal waxaad u fiirsata wax yaabahan dhacaya mudo gaaban oo saddex sano ah.

1- Wuxuu sameeyey GAANI oo kale oo xirsi ah.

2- Wuxuu sameeyey MORGAN oo kale oo Baashe ah oo maanta jaraaidka iyo xoolihii ummmadda siduu doona ka yeelaya.

4- afarta wasiir ee reerkiisu waa lama taabtaan,lacagta ay doonaana way xadaan.

5- Qandaraas waxa la bixiyey 71 qandaraas waxaan reerkiisa ahayn hal qof inta kale waa reerka siiranyo.

6-Saxaafadii waa la cabudhiyey,waxayna noqdeen wax la xidho iyo wax laaluush iyo lacag la siiyo sida Horn Cable TV

7- Guulwadayaal ayaa wasiiro laga dhigey waa iney amaanaan Amina waris iyo Siraanyo iyo Xirsi iyo Margan.

8- Waxaa lagu mushuuley been,amaan iyo dhagax meel la dhigo waxayna ku heesan guulwadayaashu AHMED DHAGAX DHIGE, AHMED DAYR, AHMED GUDI, AHMED WAX QABAD, AHMED WADO DHISE IYO AHMED BAD MADOOBEEYE.

9- Hadaad wasiir iyo xil rabto waa inaad sanad amaanta Siraaynyo iyo macalimaddii MAAMA QADIIJA.

10- Xaaska siraanyo oo loo yaqaan MACALIMADII MAAMA QADIIJA wax bartey maanta iyada ayaa dalka xukunta xirsi iyo morgana waa labadeeda howlaha u fuliya.shilin walba iyadaa xisaabisa ilaa cashuurta dakadda Bebera.

11- Iyadoo xoolihii iyo caawimaddii ummadda si cad loo cunayo ayaa lagu leeyahay sacabka noo tun sida madaarka hargeys oo si cad loo cuney.

12- Waxaa jirta in ilaa 50 Liisan oo macdanta ah la siiyey reerka siiranyo ilaa 100 wadanina loo diidey siduu cadeynayo wasiirka macdantu.waanad ogeydeen ilaa ina xarbi inuu xeebta ka dhameeyey birtii daadsaneyd.

GABAGABO: Waa in degdeg loo soo celiyaa hormoodkii,runtii,iyo xoriyadii jariidda HAATUF.

Ummadda Somalind waxaan leeyahay Qabyaaladda,Qaraabo kiilka,Guulwadeynta waa in laga diira oo damiir la yeesha.

oo xaqa la doona guulwadeyn meel ina geyn meyso ee runta ha leysku shhego,maanta bal u fiirso Yusuf Gaboobe oo 40sano Somalind u halgamayey ayey ino yaayucuun ah oo Siraanyo adeer u yahay ay haatuf ka xidheen yusuf waa BIRMA GOYSO.

Somalind ha waarto faqashta cusubina ha dhcdo NEW FAQASH.

 

Jamac cabdi Cawale

Londan

cawale2@gmail.com