Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 13 2014                                             Jamadi Al Thani 13,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Hargeysa: Kulan Dhex Maray Safiirka Sweden Iyo Guddoomiyaha Haatuf  Yuusuf Cabdi Gaboobe

Hargeysa, April 12, 2014 (Haatuf) - Safiirka dalka Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Mikael Lindvall oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa Arbacadii magaalada Hargeysa kula kulmay guddoomiyaha Wargeyska ay dawladda xayirtay ee Haatuf Mr. Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Kulanka oo ku soo beegmay saacado ka dib markii uu safiirku yimid magaalada Hargeysa, waxa ay ka sheekaysteen xayiraadda ay dawladu saartay wargeyska Haatuf iyo caqabadaha soo waajahay xorriyadda saxaafadda Somaliland. Yuusuf Cabdi Gaboobe oo warbaahinta u waramay kulankaas ka dib ayaa sheegay inuu safiirka oo uu dalkiisu ka mid yahay dalalka taageera dimuqraadiyadda Somaliland, uu u bandhigay sababaha loo xayiray jariiradiisa Haatuf, “Waxaan u sheegay warbixinaha musuqmaasuq ee aanu daabacnay ee sababay in wargeyska Haatuf la xayiro iyadoo aan sharciga loo soo marin. Waxaan safiirka u sheegay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku soo duushay xorriyadda saxaafadda oo Haatuf noqday wargeyskii labaad ee muddo dhawr bilood gudahood ah xaruntoodii ay ciidamo la wareegaan, ka dib markii ay baahiyeen masuqmaasuqa aafeeyay xukuumadda Somaliland.”

Yuusuf oo la weydiiyay bal jawaabta uu safiirku ka bixiyay hadalkiisa, wuxuu yidhi, “Markii aan safiirka u bandhigay warbixinta, wuxuu u muuqday nin xog badan hayay, waxaanu ii sheegay inay dawladiisu kala soo xidhiidhay dalkiisa, kana codsatay inuu arrimahan saxaafadda Somaliland soo waajahay ka soo warbixiyo. Markaas wuxuu ii sheegay in cabudhinta saxaafada aan la aqbali karin, waxaanu ii sheegay inuu dareenka ay dawladiisu arrintan ka qabto u gudbin doono dawladda Somaliland.”

Waxa kale oo uu Yuusuf intaas raaciyay inay la soo xidhiidheen dalal iyo ururo caalami ah oo taageera dimuqraadiyadda Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay si weyn uga cadhoodeen hagar daamada ay dawlada Somaliland ku hayso saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland.Sources Wargeyska Geeska.