Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 13 2014                                             Jamadi Al Thani 13,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Mujaahid Cali Guray Oo Xildhibaan Nac-Nac Ku Tilmaamay Guul-Wadaha Qarnigan, Jawaab Kululna Ka Bixiyey Hadal Xanaf Leh Oo Ka Soo Yeedhay

 “Inta Dharaar Badatay Waa Ninka Soo Qaatay Dharaartii Ubadkiisa Yar Yar Meydkooda Fiyaaradda Aqalkiisa La Wadhay Ee Weliba Sidii Gabadh Aroos Joogta Qayliso La Yidhi Ee Mashxaradda Ku Dhuftay”Guddoomiye Ku Xigeenka 3-Aad Ee UCID Cali Guray

Hargeysa, April 12, 2014 (Haatuf) – Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa jawaab ka bixiyey hadal xanaf leh oo uu maanta warbaahinta ka yidhi xildhibaan Nac-nac oo ka mid ah golaha wakiiladda Somaliland, kaas oo aflagaadeeyey beel ka mid ah beelaha galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa.

Mujaahid Cali Guray waxa uu Xildhibaan Nac-nac ku tilmaamay guul-wadihii qarnigan lagu jiro, kaas oo uu ku eedeeyey inuu caan ku noqday in gar iyo gardaro-ba loo adeegsado difaacida xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.

Waxaanu sidaasi ku sheegay Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf qoraal kooban oo uu maanta ku baahiyey boggiisa Facebook, qoraalkaas oo dhamaystiranin, waxa uu u dhignaa sidan:-  “NACNACOW HOO NACNACA; Guulwadaynta xildhibaan nacnac waa mid yaab leh. Waa guulwadayn habsan ah oo higsi oo sidii salaad ka tagtay uu xildhibaanku qalaynayo. Waa guulwadayn si hambabar iyo baraad la'aan ah isagoon hareerihiisa deyin is kaga hantaatacay oo aanu u meel deyin. La yaabi maayo guulwade darbane oo waa guulwadahii ugu guulwadaaysnaa dhamaan guulwadayaasga golaha guulwadaynta Somaliland.

Ma isagay tahay inu soo qaado dharaaraha qaar. Inta dharaar badatay waa ninka soo qaatay dharaartii ubadkiisa yar yar meydkooda fiyaaradda aqalkiisa la wadhay ee weliba sidii gabadh aroos joogta QAYLISO la yidhi ee mashxaradda ku dhuftay. Shakhsiga noocaa ihi jawaab ma mudna hadalkiisu na tixraac ma mudna balse jawaabtanay waa mid isaga ka shishaysa.

Aniga ayaa furay oo waa run marka dhinacaa laga eego in Reerkayga Nuux Ismaciil loo sed buriyay oo loo sii kala sed buriyay waxan se u sheegayaa marka hore hadii kuraasida Somaliland oo dhan la siiyo In aanay ku filayn Nuux Ismaciil waayo maaha reer lagu sabo oo lagu sasabo xilal loo magacaabo. Waxa deeqa cadaalad ee Madaxwayne Silanyo sidii uu kitaabka quraanka ah gacanta ku saaray ma laga heli karaa inu DAACAD U NOQDO DALKIISA SOMALILAND, DADKIISA NA KU MAAMULO CADAALAD IYO SINAAN, ugu yiraan ma ku dadaali karaa se inta ugu yar.

 Ninka uu markan haystaa ee Nuux Ismaciil ha qabto leeyahay saw Mujaahid Yusuf Cabdi Gaboobe maaha. Waa tan jawaabtii Nuux Ismaciil hadaba.

 

XAMARAHA DAGAAGEE

 

DALAGA IYO BEERIHII

 

DEM KA SIIYAY EE CUNAY

 

NINKA WADHAF U DEYDEYAY

 

MA KA DAAYA BAAD TIDHI

 

Ugu dambaystii hadal xumada iyo nacnacda nacbac waxan tacsi iyo xaal wada jira ka siinayaa Beel Waynta Arab Isaaq, gaar ahaan, Haashin Abokor iyo ardaagiisa reer Aden”.