Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 13 2014                                             Jamadi Al Thani 13,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Kiiniyaanka Oo Lacag Faalso Ah Baashe Cawil Ugu Badelay Labadii Milyan Ee Doollar Ee Ay Kaga Qaadeen Madaarka Nairobi 2011-Kii

Hargeysa, April 13, 2014 (Haatuf) – Lacagtii labada milyan ee doollar ahayd ee Baashe Cawil iyo afadda Madaxwayne Siilaanyo marwo Aamino Waris lagaga qaaday madaarka Nairobi sanadkii 2011-kii ee markii danbe loo soo celiyey ayaa hada la xaqiijinayaa in Bilayska Kiiniyaanku ay labadii milyan ku badeleen doollar  faalso ah (Foorjari) taas oo ay Baashe Cawil ku khasbeen inuu waliba lacagtaas Foorjariga ah dalka Kenya ka saaro, hadii kale ay kashifi-doonaan isla markaana ku soo oogi doonaan kiisas ka dhan ah isaga iyo sodah-dii oo ka dhigaysa dambi wadankaas ay ka galeen.

Sida ay sheegayaan ilo xogogaal ah oo ku dhaw dhaw safaaradda Ingriiska ee magaaladda Nairobi oo isha ku haysay dhaq-dhaqaaqyadaasi Labadda Milyan ee Doollar ee Foorjariga ah, taas oo uu Baashe Cawil markii danbe kula soo noqday Somaliland ayaa la sheegay in noodhadhkii lacagtaasi aakhirkii lagu gubay dalka gudihiisa.

Sheekada dhacdadan ku saabsan ee hore loo haystay ayaa ahayd in Kiiniyaanku ay Baashe lacagtii si dhibyar ugu celiyeen, taas oo u cuntami wayday dad badan oo xogogaal u ah musuq-maasuqa Kiiniyaanka iyo waliba hunguriga ka soo dhaca marka ay arkaan wax ay Soomaalida ugu soo mar-marsiiyoodaan.