Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 13 2014                                             Jamadi Al Thani 13,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Xasuuqa Xukuumada Siilaanyo Ku Qaaday Xeerka Saxaafada S/land Waa Aafo Qaran

Cabdillaahi Budul


Shaki kuma jiro in xukuumadu weerar cad ku qaaday xeerkii madaxbanaanida saxaafada jidaynayay, islamarkaana dhaqangalka ee Lr.27/2004 ee madaxweyihii hore ee Somaliland qalinka ku duugay, islamarkaana distoorka qaranku damaanad qaaday xoyiyatul qawlka iyo madaxbanaanida saxaafada Somaliland.
Xukuumada hada talada haysa ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa tan iyo muddadii ay xilka haysay hagardaamooyin ba,an ku waday suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxabanaan, lana xidhdhidhay suxufiyiin tiro badan oo dhawaana albaanada loo laabay wargeyska Hubaal, iyadoo todobaadkii tagayna irrirada ay xukuumadu u xidhay xayiraad saartay wargeyska Haatuf ayaa ficiladaasi waxay tilmaamayaan sida xukuumadani dagaalka ugu qaadayso saxaafadu inay ka turjumjayso in meeqaamkii Somaliland ee dimoqraadiyada dhaawac weyn u gaystay, isla markaana sumcadii dalkani ku lahaa beesha caalamka ee ay wadamo badan kaga horumarsanayd heerka nabadgalyada iyo xasilnooda iyo saxaafada ay ka gaadhay in talaabooyinkan weerara saxaafadu hoos u dhac weyn ka soo gaadhayo dalka.
Waxaanay xukuumadu xasuuq ku qaaday marka ay ficiladaasi samaysay xeerkii saxaafada xorta ah ee dhaqangalka ahaa in ku tumasho sharci oo aan geedna loogu soo gaban ay ku burburinayso xeerka saxaafada iyo distoorkii qarankan u yaalay,.
Xeerka saxaafadu waxa uu dhigayaa masuul ama cidkasta oo dhibsata wax laga qoray in dariiqada sharci ay soo maraan, isla markaana maxkamada dacwad laga soo furto hadii wax dambi ah lagu helo wargeys ama warbaahin in lagu ciqaabo xeerkaaasi waxa uu ka yidhi, balse arrinkaasi xukuumadu way ka gudubtay oo xayiraad ayay ku samaysay xarumo wargays oo shaqaynaya si sharci ahna albaanada ugu xidhay meharadaasi, taas oo shuruucda iyo xeerka saxaafada baalmarsan.
Waxaana arrimahaasi si weyn u soo cambaareeyay shakhsiyaad can ah oo dunida uga ololeeya qadiyada Somaliland iyo ururo saxaafada u hadla, iyadoo dhinaca kalena siyaasiyiinta xisbiyada mucaaridka, aqoonyahano iyo waxgarad reer Somaliland ahi falalkaasi xukuumadu albaabada ugu xidhay Haatuf si weyn ugu dhaliilay xukuumada, kana dalbaday inay dib uga noqoto arrimahaasi cabudhinta saxaafada.
Ta kale xukuumada Siilaanyo waxay ka baxday balanqaadyadii xilliyadii mucaaridka kulmiye ee ku wajahnaa in saxaafada aan la cabudhin doonin ee xoriyatul qawlka uu ku xardhan yahay distoorka oo ay ku eedayn jireen xukuumadii Rayaale oo marka la eego xadgudubyada ka dhanka ah saxaafada aanay xad isku lahayn waxyeelooyinka ay u gaystay xukuumada Siilaanyo.
Talaabooyinkan weerarka cad ee xukuumadani ku qaaday saxaafada madaxabanaan ayaa noqonaysa xasuuq lagula kacay xeerkii iyo shuruucdii saxaafada oo xukuumadu si badheedh ah ugu tumatay distoorkii qaranka ee damaanad qaaday madaxbanaanida warbaahinta.
Hadaba waxa loo baahan yahay in xukuumadu si degdeg ah dib uga noqoto oo xayiraad ka qaado Haatuf iyo Hubaal, hadii kale ficil.adaasi waxay sawir xun ka bixinayaan sumacadii, karaamadii iyo hadafkii shacabka reer Somaliland ee dib u xorayntii dalka, haddii kale oo sharciga sidaa loogu tunto waxa iman doonta in shacbigu sida daadka u jiidho xukuumada.
Sidoo kale waxa loo baahan yahay in aafada qaran ee xasuuqa xeerka saxaafada lagu xaliyo wadatashib qaran si loo badbaadiyo dalka iyo dadka.