Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

  April 14 2014                                             Jamadi Al Thani 14,1435H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Ciidanka RRU-Da Oo Sifo Sharciga Baal-marsan U Xidhay Agaasiihii Shabakadda Caalamiga Ah Ee Hadhwanaagnews

Hargeysa, April 13, 2014 (Haatuf) – Ciidamada RRU-du ayaa maanta sifo sharciga baal-marsan xabsiga ugu taxaabay agaasimihii shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com Najax Aadan Cunaaye.
Ciidanka Police-ka ayaa qabtay agaasimaha Hadhwanaagnews wakhti uu gudanayey waajibaadkiisa shaqo, kuna hawlanaa soo gudbinta warar la xidhiidhay ardayda jaamacada Hargeysa oo maanta samaynayey mudaharaad ka dhan ah wasaarada waxbarashada iyo maamulka jaamacada Hargeysa.
Mudaharaadka ay sameeyeen ardayda jaamacada Hargeysa ayaa la xidhiidhay ka dib markii lagu kordhiyey lacagtii hore looga qaadi jiray ee ay ku dhigan jireen jaamacada.
Agaasimaha shabakada Hadhwanaagnews Najax Aadan Cunaaye oo intii aan laga qaadin qalabka isgaadhsiinta la soo xidhiidhay xafiiska shabakada ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu xaqiijiyey inay ciidamada Police-ku qabteen oo ay xidheen isla markaana ka qaadeen qalabkii warbaahineed ee uu watay.
Dhinaca kale xukuumadda Siilaanyo ayaa noqonaysa xukuumadii ugu tacadiga badnayd dhinaca xoriyatul-qawlka marka loo eego maamuladii ka horeeyey, taas oo mudadii saddexda sano iyo badhka ahayd ee ay jirtay xabsiga dhigtay suxufiyiintii ugu tirada badnayd isla markaana albaabadda sifo sharciga baal-marsan ugu laabtay xarumo war-baahineed si ay meesha uga baxdo dhaliisha iyo musuq-maasuqa ay masuuliyiinta dawladu sameeyeen ee la soo bandhigay.